29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: Faarax C/qaadir oo lagu wado in lagu soo daro golaha wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa wasiiradii is-riday ee xukuumadii  C/weli Sheekh Axmed iyo xubnihii Golaha wasiirada ee shanta maalmood magacawnaa dibna loola noqday markii mucaarado weyni kaga timid Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo xukuumadda cusub oo ee dhismaheedu hadda socdo.

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadallo xiriir ah oo dhex maray siyaasigan iyo saaxiibkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu madaxweynuhu ogolaaday in Faarax Sheekh C/qaadir lagu daro wasiirada xukuumadda cusub oo la isku shaandheyn doono, inkastoo aanu go’aan kama dambeys ah qaadan.

Fahad Yaasiin Xaaji ayaa hore isaga casilay jagadii wasiir ee loo magacaabay isagoo ka tegay magaalada Muqdisho una safray Nairobi, waxaana booskiisa la filayaa in lagu bedelo Faarax oo wasaarad kale loo dhiibi doono.

Soo celinta Faarax Sheekh C/qaadir ayaa laga cabsi qabaa inay dib u soo celiso diidmadii Kutlooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka oo hore ee afar xubnood oo uu ka mid yahay lagu soo daro xukuumadda cusub.

Warar kale oo laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya inay rajo soo gashay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo isna ka mid ahaa afarta xubnood ee xildhibaanada qaarkood diideen, iyadoo xusul duubka siyaasadeed ee ka mid noqoshada Golaha wasiirada cusub si xowli ah u socdo.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News