Xog: Fadeexad ka dhalatay qandaraas ay DF siisay shirkad gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa dib u soo celiyay qandaraasyadii dowladda siin jirtay shirkadaha gaarka ah ee kharashaadka dowladda qaadi jiray, taasoo la joojiyay sanadihii 2017 iyo 2018.

Waxaa dhowaan soo shaac baxday in Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka ay heshiis la gashay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo MGS Soft INC, taasi oo loo xil saaray inay dowladda u qaado canshuuraha guryaha Muqdisho.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka Guud 29-kii Janaayo 2024 ayuu heshiiskaasi ku tilmaamay sharci darro iyo inuu hareer marsan yahay sharciga maaliyadda dalka, isagoo dalbaday in heshiiskaasi meesha laga saaro.

Hanti-dhowraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda u sheegay inay sharci darro tahay in hantida dowladda, sida canshuuraha ay qaado shirkad gaar loo leeyahay, sida ku cad sharciyada maaliyadda dalka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in shirkaddan oo ah mid cusub ay leeyihiin xubno gacansaar la leh madaxda dowladda Federaalka, taasi oo shaki badan dhalisay, islamarkaana Soomaaliya dib u celineysa sanado badan oo laga soo gudbay.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa caadi ka dhex ahaa muddo in shaqooyinka wasaaradaha la siiyo inay qabtaan shirkado gaar loo leeyahay, oo ay sameystaan dad ku ehel la ah ama si kale ugu xiran wasiirada iyo agaasimeyayaasha.

Shirkadahaaas, oo inta badan qaata lacag ka badan tan suuqa ee shaqada u qalanto, ayaa kadib lacagta waxay gadaal qeyb ka siin jireen wasiirada iyo xubnaha kale ee dowladda ee usoo dhameeyey heshiiska, taasi oo xubno badan oo dowladda ka mid ah ay ku taajireen.

Inkasta oo la joojiyey in shaqooyinka dowladda ay qabtaan shirkado gaar loo leeyahay sanaddii 2017, haddana waxaa weli la bixiyaa qandaraasyada kooban oo xubno badan oo dowladda ay si gadaal ka siin ah ugu helaan kumanaan dollar.

Soomaaliya ayaa mar kale sanadkan waxay kaalinta koowaad ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.