Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo qorsheynaya inay xaalad deg deg ah geliyaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen.

Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada.

Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay mabda’ ahaan isku raaceen hase yeeshee waxaan weli la hayn qaabkii loo fulin lahaa. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in baarlamanku ansixinayaan iyo in kale marka madaxweynuhu ku dhowaaqo, maadaama dastuurka dhigayo inay qasab tahay in baarlamanku ansixiyo.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa lagu warramayaa in ka cabsi qabaan in qorshahan aysan xildhibaanada baarlamanka ogolaan doonin, taasi oo darteed aan weli qorshahan loogu dhowaaqin.

Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qorshahan, taasi oo mar kale isku dhac ka dhex abuuri karta madaxda dowladda iyo beesha caalamka, oo horey ugu kala tagay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Madaxda dowladda ayaa la rumeysan yahay ina taageero hoose u raadi doonaan qorshahan ka hor inta aysan ku dhowaaqin, ayada oo laga yaabo inay ka tanaasulaan haddii aysan taageero ku filan u helin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com