Xog: Farmaajo oo dalbaday in loo kala dhex-baxo isaga iyo Axmed MADOOBE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxtooyada Galmudug, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in loo kala dhax-baxo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Qoor Qoor ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday dadaallo uu isugu keenayo dhinacyada, si loo xaqiijiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho, wuxuuna ku guuleystay inuu arrinta meel wanaagsan gaarsiiyo.

Wuxuu sidoo kale isku dayey inuu wada-hadalsiiyo madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, hase yeeshee Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo kala dhaxbaxo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland si ay uga wadahadalaan arrimaha gobalka Gedo oo qeyb ka ah waxyaabaha ay u xayirantahay doorashada Soomaaliya.

Warkan ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale taliyaha hay’adda NISA.

Ka sokow labada madaxtooyo, xildhibaano ku dhow dhow Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyey xogtan.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in dalabkaan uu yimid kadib markii inta kale ee doorashada la isla fahmay basle qodobkaan uu aad u adkaaday taasina ay keentay in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo madaxbaneeyo arimaha gobalka Gedo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono balse waxaa taagan cabsi laga qabo in xaaladda doorashada Soomaaliya ay sii adkaato haddii aan la helin tanaasul iyo is qadarin madaxda dhaxdooda ah.