Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray xubnaha la sheegay in laga siiyey G/Doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaashaanka u daruuray wararka ay warbaahinta tabiyeen ee ku saabsan in lagu heshiiyay guddiga doorashooyinka wakiilada Somaliland.

Cabdi Xaashi oo u warramay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa beeniyay in afar xubnood laga siiyay guddigaas aan wali heshiiska lagu aheyn balse ay dowladda dhexe magacowday, balse wuxuu xaqiijiyay iney siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ku heshiiyeen intii ay joogeen magaalada Garowe iney wada xaajood ka yeeshaan khilaafka jira.

Cabdi Xaashi wuxuu si cad u beeniyay in xubno laga siiyay guddiga soo xulaya xubnaha ay Baarlamaanka labada aqal ku yeelanayaan gobollada waqooyi.

“Waxaan maqlay in afar xubnood la iga siiyay guddiga doorashada, waxba kama jiraan mana garan karo meesha ay ka keeneen,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin wali kulan ay siyaasiyiinta goboolada waqooyi ka yeesheen is qab-qabsiga ka jira doorashooyinka, wuxuuna hadalkiisa kusoo aadayaa xilli la sheegay in lagu qanciyo inuu aqbalo guddiga lana siiyay xubno gaaray afar.

Doorashooyinka dalka waxaa ku gudban dhawr arrimood oo ay ka mid yahiin xulista wakiilada Somaliland, arrinta gobolka Gedo, guddiga doorashooyinka heer federaal oo aan la isku raacsaneyn iyo arrimo kale.