Xog: Farmaajo oo kulan la qaatay madaxda Galmudug ee ka soo horjeeda Xaaf

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xasaasi ah la qaatay  Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad.

Kulankaan oo ka dhacay Villa Somalia ayaa lagu soo hadal qaaday Khilaafkii hareeyey maamulka Galmudug kaasoo keenay inuu shaqo gab noqdo guud ahaan Maamulkaas kadib markii ay Madaxda ugu sareyso isku khilaafeen go’aankii uu madaxweyne Xaaf ku taageeray dowladda Imaaraadka Carabta.

Kulankaan ayaa waxaa si gaar ah looga wada hadlay xal u helida khilaafka Galmudug, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu bilaabay waan waan uu ka dhex wado Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo, waxaana hadda muuqato inuu jiro isku soo dhawaansho u dhaxeyso madaxdaas.

Villa Somalia ayaa qaban qaabineyso kulan weyn oo dib u heshiisiin ah oo looga qabanayo madaxda Galmudug, wuxuuna kulanka hadda uu madaxweynaha la yeeshay Seddexdaan Mas’uul hordhac u yahay kulankaas.

Mas’uuliyiinta uu madaxweynaha la kulmay ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho kadib markii ay Casuumaad ka heleen madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in markaan xal rasmi ah loo heli doono Maamulkaas oo maalmihii dambe la kulmayey cadaadis aad u weyn.

Marka uu soo dhamaado kulanka u socdo dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in loo soo jeesan doono midka Galmudug, waxaana xusid mudan in qodobada kasoo bixi doono kulankas dowladda iyo Maamul Goboleedyada uu qeyb ka noqon doono xalka laga gaaray Galmudug.