Xog: Fartaag iyo Iftiin Xasan Baasto oo lala tartansiinayo darawal gaari iyo seedi

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin. 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah. 

Maxamed Cumar Geedi oo ka tirsanaa Golihii Wasiirada ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddana ku sugan Kismaayo islamarkaana kamid ah dadkii doonayay in ay la tartamaan Iftiin Xasan Baasto ayaa xaqiijiyay in uu keensaday seedigiis. 

“Iftiin Baasto waxaa la tartamaya seedigiisa Yacquub Ibraahim Ismaaciil, oo la dhashay xaaskiisa Khadiijo Ibraahim Ismaaciil, waana cadaalad darro weyn,” ayuu u sheegay warbaahinta Muqdisho. 

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. 

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa.