Guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo is-hortaagay doorashada kadib markii DF ay diiday baasabooro

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa hakiyay magacaabida xubnaha guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sababta uu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan u hakiyay soo magacaabidda guddigaas ayaa la sheegayaa inay la xiriirto baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle.

Sida aan xogta ku heleyno guddoomiyaha oo ka xarooday tallaabadaas ayaa uga jawaabay tallaabadaan uu ku diidan yahay inuu soo magacaabo guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay HirShabeelle.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa weli laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyo xildhibaano ah oo qaban doona doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Horay waxaa guddiyadaan u soo magacaabay guddoomiyeyaasha baarlamaanada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Waxaana lagu wadaa in doorashada Aqalka Sare uu berri bilaabo dowlad goboleedka Jubbaland.