XOG: FIQI oo carro kaga soo cararay CADAADO!

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalim Fiqi oo looga guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa caro dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Fiqi oo godob ka tirsanaayo DF Somalia, ayaa sheegay in dantii uu lahaa uu kasoo dhameystay Magaalada Cadaado wixii intaa kasii badana uusan aheyn shaqsi abooda inuu kusii sugnaado Cadaado.

Waxa uu sheegay in dhacdooyinkii uu kala kulmay doorashada uu ku ilaabaayo Shacabka Soomaaliyeed madaxooda, balse uusan muteysan in dhacdadaasi lagu sameeyo.

Fiqi ayaa qarka u saarnaa inuu kusoo baxo doorashada Madaxtinimo ee Maamulka balse DF Somalia ay uga hiilisay C/kariin Gulled.

Dhanka kale, Fiqi ayaa muddo ku nasan doono Magaalada Muqdisho, waxa uuna intaa kadib dib ugu laaban doona wadamadii uu deegaanka ku ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com