Sawirro: AMISOM oo qorshe cusub ku gaaray…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska AMISOM, ayaa wado qorsho ay ku tababarayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ee ka howlgala Deegaanada iyo Gobolada Koonfur Galbeed ee Somalia.

Taliska ayaa ballan qaaday inay tababari doonaan Ciidamo farabadan oo iyagu tababarka kadib ka howlgali doono Magaalada Baydhabo.

Taliska ayaa DF Somalia, gaar ahaan Taliska Booliska Somalia toddobaadkaani u ballanqaaday inay u tababari doonaan 600 oo askari oo Soomaali ah, si ay qayb kaga noqdaan tallaabada nabadda looga dhalinaayo Somalia.

Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu Magaalada Baydhabo kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan iyo Wasiirka Hub Ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed.

Mr Anand Pillay ayaa Saraakiisha Maamulka Koonfur galbeed ku wargeliyay in AMISOM ay Maamulka u tababari doonto Ciidamo gaar ah, iyadoo markaasi la ballaarinaayo Xoogaga Booliska ee hadda jira.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
11

22

33

44

55

66

77