XOG: AXMED Madoobe oo ku wajahan Garoowe iyo qorshe ka dhan DF Somalia oo la diyaarinayo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Wafdiga Jubaland ayaa muddada ay Garowe ku sugan yihiin la kulmi doona madaxda ugu sarreysa Puntland, isimmada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulammadaas diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, maamulka Galmudug iyo; xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka. Waxaa la filayaa inay qaataan go’aan wada-jir ah oo ka dhan ah dowladda federaalka.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Jubaland ka qayb qaadan doono xal u helista xiisadda ka tagan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo saddex asbuuc ah isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Jubaland ayaa dhowaan shaacisay inay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Baarlammaanka Federaalku u codeeyey in baarlammaanka Jubaland yahay mid lagu soo dhisay qaab aan sharci ahayn.

Waa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkan 2015 ee Madaxweynaha Jubaland  booqasho ku yimaado Puntland.

Puntland iyo Jubaland waxaa ka dhaxeeya xiriir ku dhisan qabyaalad, oo labada dhinac saaxiibo wanaagsan ka dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com