Xog gaar ah: Farmaajo oo maanta u baxaya safarkiisii 5-aad ee dibedda (Xaguu aadayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo talaado ah u baxay safarkiisii shanaad ee dibedda, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu muddo saddex maalmood ah joogi doono, kulamana kula yeelan doono dhgiiisa dalkaas Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Erdogan ayaa la filayaa inay dib usoo cusbooneysiiyaan heshiisyadii ay kala saxiixdeen dowladda Turkiga iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona shirka ganacsiga Turkiga iyo Afrika, oo isna ka dhacaya magaalada xeebta ee Antalya ee dalkaas.

Socdaalka madaxweynaha ayaa imanaya isaga oo dhowaan un kasoo laabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaas, waxaana muuqata in uu soo xoogeysanayo loolanka Turkiga iyo Imaaraadka ee Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ayaa ah kii shanaad ee uu dibedda ku aadayo tan iyo markii la doortay sideeddii Febraayo ee sanadkan, isaga oo horey u tagay dalalka Sacuudiga, Kenya, Urdun iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com