Xog: Wada-hadal dhex maray Farmaajo iyo Gabre oo fashil ku dhammaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallo dhex maray Wafti ka socda dowladda Ethiopia iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fashil ku dhammaaday, sido ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Waftigan oo uu hoggaaminayey Jeneral Gabre Herd, ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu booqasho ku tago magaalada Addis-Ababa, ka hor shirka London, si xal looga gaaro mugdiga u dhaxeeya labada dhinac, hase yeeshee Farmaajo ayaa ku gacan seeray.

Madaxweynaha Soomaaliya ma uusan bixin wax sabab ah oo uu ku diiday inuu booqdo Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu yiri inuusan qorshaha ugu jirin in xiligan uu tago dalka Ethiopia, sida diblomaasiyiin xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wada-hadalladan ayaa waxaa garwadeen ka ahaan QM iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay dowladda Ethiopia si aad ah isugu dhowyihiin.

Farmaajo ayaa la sheegay in sidoo kale intii ay wada-hadallada socdeen dalbaday in ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya ee aan qeybta ka ahayn Amisom la hoos keeno dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada aan la ogeyn ee ay ka wadaan gudaha dalka, ama ay dalka ka baxaan, taasi oo Ethiopia ay diiday.

Xiriirka Ethiopia iyo dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xun, waxaana ay ahayd dhowr maalmood ka hor markii Farmaajo sidoo kale uu ka cudur daartay inuu ka qeyb galo shirka Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacay.

Soomaali badan ayaa aad u taageersan mowqifka madaxweynaha uu ka qaatay Ethiopia, inkasta qaar ay qabaan in ay wanaagsaneyd in madaxweynaha uu Ethiopia kula dhaqmo hab diblomaasiyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com