Xog: Damu-Jadiid oo billowday olole 6 bilood oo ka dhan ah dowladda cusub (Yaa hogaaminaya?)

Istanbul (Caasimada Online) – Kooxda Damu-Jadiid ee talada dalka lagala wareegay ayaa billaabay olole mideysan oo ka dhan ah dowladda cusub ee Soomaaliya, sida lagu ogaaday baaritaan ay sameysay Caasimada Online.

Ololahan ayaa lagu dejiyey shir qarsoodi ah oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga toddobaadkan, waxaana ujeedada ugu weyn ay tahay in carqalad siyaasadeed lagu geliyo dowladda cusub muddo lix bilood gudahood ah.

Wejiga koowaad ee ololaha ayaa waxa uu yahay in dowladda lagu billaabo olole mucaarad u abuuris ah oo ka soconaya baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta xiriirka la leh kooxdan, taasi oo iminkaba si xowli leh u socota.

Wejiga labaad ayaa ah in xildhibaano badan la aruuriyo, kadibna lix bilood kadib baarlamanka la geeyo mooshin xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa ololaha qeyb weyn ku leh xildhibaanada Damu-Jadiid ee baarlamanka ku jira oo gaaraya illaa 90 xildhibaan, waxaana macquul ah inuu kusoo biiro guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Ololahan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada Mahad Salaad iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar, oo maalmihii dhowaa warbaahinta ka waday hadallo ka dhan ah dowladda cusub.

Ilo ku dhow dowladda Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war-hayaan arrintan, hase yeeshee ma aysan sheegin qorshahooda ku aadan sidii ay ka yeeli lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com