Xog: Wixii Gaas uu Ethiopia u sheegay iyo xaqiiqda Farmaajo kala fog

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in DFS aysan marnaba ka maarmi doonin dowlada Ethiopia ee jaarka la ah Somalia.

C/Wali Gaas ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan khaasa la qaadanaayay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Ethiopia oo uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Gaashandhiga dalkaasi.

C/wali Gaas, ayaa mas’uuliyiintaasi u xaqiijiyay in wakhtiga lagu jiro aysan Somalia sinaba uga maarmin Ethiopia, waxa uuna ballanqaaday in Puntland aysan ka gaabin doonin xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Somalia aysan ilaalsan karin xuduudaheeda isla markaana uu khalad u arko in DFS ay gaabiso xiriir wanaagii kala dhexeeyay Ethiopia.

“Somalia waxa ay ku jirtaa xiligii ay garabsan laheyd dowladaha deriska la ah, ma filaayo in Somalia ay isku filnaan doonto sanado badan oo nagu soo fool leh”

Waxa uu soo hadalqaaday go’aanada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xiriirka diblumaasiyadeed ugu jaray Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan aheyn mid maamusha dhamaan dalka, isla markaana ay suuragal noqon karto inuu sii xoogeysto xiriirka Ethiopia kala dhexeeya maamulada dalka.

Wuxuu tilmaamay inay la socdaan in Madaxweynuhu uu aad kaga soo horjeedo xiriirka Ethiopia balse aysan suuragal aheyn inuu go’o xiriirka labada dal ka dhexeeya.

Dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah ugu adeegata Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, oo inta badan lagu tiro inuu kamid yahay shaqsiyaadka Ethiopia la wadaaga Sirta Qaranka Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa C/wali Gaas, u yeerta bishiiba ilaa Seddex jeer si ay u wadaagan halka ay mareyso Akhbaarta Somalia, ee ku aadan dhanka Amniga, Siyaasada iyo Horumarka.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinka C/wali Gaas ayaa dhaawac u geysan kara Qaranimada Somalia, waxaana xusid mudan inuu yahay Hogaamiyaha ugu safarka badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com