Xog: Madaxda gobollada dalka oo ka biya diiday qorsho ay wado DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka ay ka biya diideen in maamulka Dekadaha, Garoomada iyo Kheyraadka ay hoos geeyaan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib markii dowladu ku amartay in la hoos geeyo Wasaaradaha khuseeya qeybahaasi.

Maamul Goboleedyada ayaa arrintaani ka biya diiday kadib markii dhawaan Madaxda ugu sareysa dalka ay kulan kula yeesheen magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Somalia.

Hogaamiyayaasha ayaa soo jeediyay in DFS looga baahan yahay inay bixiso dhammaan dhaqaalaha uga soo xarooda Dekadaha iyo Garoomada ay iminka maamulaan.

Hogaamiyayaashu waxa ay sheegen maadaama aysan DFS heysan dhaqaale ku filan ay faraha kala baxdo arrimaha khuseeya maamulada si dhaqaalaha kasoo xarooda dhinacyadaasi loogu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo Ciidamada heeganka ugu jira xaqiijinta amaanka.

Hogaamiyayaasha qorshahaani ka hor imaaday ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, Puntland C/wali Gaas iyo Hogaamiyaha Hirshabelle Cosoble oo si siman u sheegay inaysan hoos geyn doonin DFS.

Dowlada Federaalka ayaa dooneysa in gacanteeda ay kusoo celiso dhammaan Dekadaha iyo Garoomada dalka ee iminka ay maamulaan maamulada dalka kuwaa oo dhaqaalaha kasoo xarooda aan lagu shubin Bankiga Dhexe ee Somalia.

Sidoo kale maamulada qaar ayaa dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadaha iyo Garoomada ku bixiya Shaqaalaha iyo Ciidamada, inkastoo ay jirto dhaqaale ku dhaca jeebkooda oo aan waxba laga siin howlwadeenada maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, DFS ayaa dooneysa in khaladaadka ka jira dalka ay ku xaliso muddo kooban, taa oo aan suuragal noqon karin xiliga hadda lagu jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com