Xog cusub: Farmaajo oo socdaalo u qorsheeyey gobollada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhawaan bilaabi doono socdaal xiriir ah oo uu ku gaari doono dhammaan Caasimadaha Gobolada dalka.

Socdaalada oo dhacaya kadib shirka London, ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu qeyb ka noqon doono booqashada deegaanada maamulka Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe.

Madaxweynaha ayaa socdaalkaasi ula gol leh indha indheynta xaaladaha ka jira Gobolada dalka sida Amniga, Horumarka iyo Shaqooyinka Qaran ee ka socda Xarumaha maamulada dalka, gaar ahaan Caasimadaha.

Warar hoose ayaa sheegaya in Socdaalka xiga magaalada Baydhabo uu noqon doono magaalada Cadaado oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo doorashada ama magaalada Garoowe, inkastoo aan wali la shaacin halka uu ku hormari doono marka laga soo tago magaalada Baydhabo.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka ayaa lagu sheegay wax ka ogaanshiyaha shaqooyinka ay ciidamada AMISOM ka hayaan Caasimadaha Gobolada dalka iyo awoodaha ay leeyihiin ciidamada DFS ee ka howlgala Gobolada dalka.

Socdaalka ayaa waxaa barbar socon doonaa xoojinta xiriirka maamulada dalka iyo Dowlada federaalka ah ee Somalia, iyadoo mudnaanta lasiin doono xalinta Cabashooyinka ay maamulada ka dalbanayaan DFS.

Lama saadaalinkaro sida uu Madaxweynaha dalka u kala hormarin doono booqashada, waxaase la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo booqasho xiriir ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com