Galmudug oo shaacisay in aysan aqbali doonin codsi mar kale uga yimaada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga doorashada maamulka Galmudug Maxamed Xassan Geele ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay qaban doonto doorashada xiliga loogu talo galay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inaanu suuragal noqon doonin in muddo intaa ka badan ay hakiyaan doorashada, waxa uuna tilmaamay in DFS ay dhowr jeer u dulqaaten balse iminka uu ka dhamaaday sabarka.

Waxa uu tilmaamay inaanu muhiim aheyn in si maalaayacni ah mar waliba dib u dhac loogu sameeyo doorashada waxa uuna ku baaqay in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka ay u diyaar garooban doorashada.

Maxamed Xassan Geele, waxa uu sidoo kale sheegay in caqabado kala duwan ay kala kulmeen dib u dhaca doorashada, hayeeshee ay ka go’an tahay in doorashada ay xiligeeda qabtaan.

”DFS dhowr jeer ayaan tanaasul u muujinay suuragal maaha inaan mar kale dib u dhigno doorashada”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Magaalada Cadaado ay ku dhan yihiin dhammaan Xildhibaanada wax dooran lahaa iyo Musharaxiinta laga soo dhex xulan lahaa Madaxweynaha isla markaana ay diyaar u yihiin inay dhacdo doorashada.

Haddalka Maxamed Xassan Geele ayaa kusoo beegmaaya xili maamulka Ahlusunna ay ka biya diidan yihiin in wadahadal ay la galaan Galmudug iyadoo aan la bixin dhaqaale ay dalbadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com