Xog: Xildhibaanada BF oo maanta gudbinaya mooshin ka dhan ah heshiskii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaa sheegay in mooshin cusub ay u gudbin doonaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo noqonayo mooshinkii labaad oo baarlamaanka la horgeeyo.

Mooshinkaasi ayaa waxaa abaabulaya guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kaga soo horjeedaan hanaanka loo maray isku dhafka ciidamada xooga dalka Soomaaliya, sida guddiga ay sheegeen.

Guddoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka aheyn in federaal lagu sameeyaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wasaarada gaashaandhiga aysan galin federaaleyn, sida uu sheegayna ay ka hortagayaan in ciidamada xooga dalka loo kala qeybiyaa maamul goboleedyada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedadeena waxay tahay in wax kasta oo wiiqaya awooda ciidamada xooga dalka inaan ka hortagnaa, ciidamada qaranka ma galaan Federaal waxayna kamid yihiin afarta shey ee aan Federaalka galin”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Waa mooshinkii labaad oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay diyaariyaan tan iyo dhismaha dowladda madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com