26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

XOG: Gaas, Guuleed, Cosoble iyo A/Madoobe oo loo gacan geliyay labo musharax oo Imaaraatka doonayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubia (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee caasimada Imaaraatka Carabta waxaa maalmahaan ka socdo kulamo hoose oo ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada.

Kulamadaasi ayaa ahaa kuwo xasaasi ah oo looga hadlayay siyaasada dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya magaaloyinka maamul goboleedyada.

Kulamada ayaa sidoo ahaa kuwo dowlada Turkiga waaga ugu baryay maadaama Imaaraatka carabta uu dadaal dheeri ah u galay sidii uu siyaasad ahaan Turkiga kala wareegi lahaa Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa taageero buuxda ka helaya dowlada Mareykanka, waxaana wararka aan kaheleyno Dubia ay sheegayaan in madaxweynayaasha maamul goboleedyada loo gudbiyay labo musharax oo doonaya iney noqdaan midkood madaxweynaha Soomaaliya.

Xogaha aan heleynoa waxay sheegayaan in Imaaraatka uu weeciyay taageeradii markii hore ay damacsanaayeen oo ahaa in Xasan Sheikh markale lasoo doorto.

Balse waxay markaan madaxda maamul goboleedyada ku wargeliyeen labo musharax oo ay doonayaan iney xilka qabtaan.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya iney idlaadeen shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay magaalada Dubia.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sida qorshaha uu yahay waxay dib kaga soo laaban doonaan Imaaraatka, maadaama kulamada la doonayay ay dhamaadeen.

Ilaa iyo iminka si dhab ah looma oga labada musharax ee Imaaraatka uu doonayo in lagu badalo Xasan Sheikh Maxamuud.

Imaaraatka Carabta ayaa saanado militari, Dhaqaalo iyo taageero kalaba siiyay maamul goboleedyada dalka marka laga reebo maamulka HirShabeele oo dhawaan dhismay, waxaana muuqata inuu maamul kastaa ka dhameysan karo hishiiska uu doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News