Xog: Ganacsatada Muqdisho oo gaareysa qorshe culus kadib tallaabadii Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa bilaabay shirar xasaasi ah oo ay kaga tashanayaan aayahooda, maadaama ay amarro is diidan kala kulmayaan dowladda iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay in Shabaab ay burburiyaan goobo ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ganacsatada Muqdisho ku amartay inay kaamirooyinka loo yaqaano CCTV ay ku xiraan banaanka hore ee ganacsiyadooda, balse Al-Shabaab ayaa ganacsatada u digtay inay qaataan amarka dowladda, waxayna qarxiyeen qaar ka mid ah ganacsiyadii lagu xiray kaamirooyinka.

Intaas kadib, ganacsatada ugu waaweyn suuqyada Muqdisho, sida Bakaaraha, Xamarweyne iyo Suuqbacaad ayaa isugu yimid shir ay uga tashanayaan aayahooda.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, ganacsatadu waxay isku raacday in la qaato amarka dowladda, isla markaana la raadiyo qorshe la isaga difaaci karo kooxda Al-Shabaab oo maalmahaan qarxineysa goobahooda ganacsiga.

Xubnaha qaar waxay soo jeediyeen inay dowladdu soo diyaariso ciidamo cusub oo la wareega masuuliyadda amniga suuqyada caasimada, iyaguna iska uruuriyaan lacag ay mushaar looga dhigo ciidamadaas.

Shirarka ganacsatada ayaa weli ka socda Muqdisho, xubno ka mid ah ganacsatada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la isku dhaarsaday in la taageero dowladda, si meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab oo sidey u dhaceysay ganacsatada, hadda bilowday inay qarxiso oo burburiso goobihii ganacsiga.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ganacsatada Muqdisho soo saaraan bayaan ay ku mideysan yihiin, isla markaana ay go’aamiyaan inay dowladda ku taakuleeyaan lacag lagu sugo amnigooda.

Ganacsatada aan la hadalnay waxay noo sheegeen in dowladda ay ku cadaadi doonaan inay la imaato qorshe lagu sugi karo amniga nagacsatada iyo hantidooda, taas bedelkeedna ay la bixi doonaan wixii dhaqaale ah oo loo baahdo.

Hadii qorshahaan ay isku raacaan ganacsatada iyo dowladda, waxaa dhibaato weyn la kulmi doonta kooxda Al-Shabaab, horay kooxdaan waxay qaati uga taagneed dadka reer miyiga ah oo ka gadooday xoolihii ay ka dhici jireen, kuwaas oo ka saaray deegaano badan, hadana ayaga ayaa isku diray ganacsatada Muqdisho, kadib markii ay bilaabeen inay qaraxyo ku xiraan oo burburiyaan goobahooda ganacsiga.