XOG: Ganacsato badan oo Soomaali ah oo billaabay in hantidii ka taallay Kenya ay u raraan……!

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay markii rabashado ay ka dhaceen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, in Soomaali badan oo halkaas ganacsiyo ku lahaa ay bilaabeen in ay maalgashi ka sameeystaan caasimada Uganda ee Kampla.

Soomaalidan ayaa la sheegay in Malaayin Shilling ay kala baxeen Baananka Kenya, kuwaasoo ka cabsi qaba in la boobo hantida ay ku lee yihiin xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii, oo dhawaanahan ay ka dhaceen qaraxyo xooggan.

Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo ku noolaa magaalada Nairobi, kuwaasoo bilaabay in ay soo aadaan waddamada Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ay ka soo gaarto rabshadaha ka dhaca Kenya.

Soomaali badan ayaa ganacsi ballaaran ku leh magaalada Nairobi, kuwaasoo 20-kii sano ee la soo dhaafay halkaas ku lahaa goobo ganacsiyo oo aad u waawayn.

Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku nool magaalooyinka in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Kaakumo ama Dhadhaab.

Soomaali badan ayaa lagu arkayaa xafiisyada shirkadaha diyaaradaha ee ku yaalla Nairobi iyo goobaha basaska laga raaco, kuwaasoo soo aadaya magaalada Muqdisho.

Haddii ay Soomaalida ganaciga ku leh Nairobi ay bilaabaan in ay maalgashi ka sameestaan waddanka Uganda ama ay dib ugu soo laabtaan waddankooda, waxa ay taasi ku keeni kartaa saameen waddanka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi