Xog: Go’aan laga gaaray ka qeyb galka shirka Brussels ee madaxda maamullada

Brussels (Caasimada Online) – Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, oo lagu wado inuu 25 ama 26-ka June ka furmo Brussels, ayaa waxaa ka qeybgali doona dhamaan madaxda maamuladda.

Shirkaan ayaa daba socda mid uu bishii lasoo dhaafay Brussels uga soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasoo diiradda lagu saaray amaanka Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo dib u dhiska ciidanka xooga Soomaaliya.

Illo xog ogaal ah, ayaa sheegay in Khayre ay dowladaha Beesha Caalamka ku wargeliyeen inay muhiim tahay in qorshaha Amniga Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay, oo Madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka ay ku raacsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday shirkii Baydhabo ay isku deyday xukuumada FS inay ku qanciso madaxda maamulada, laakiin ay ku raaci waayeen fekerkaasi, kadibna la isla meel dhigay in si wadajir ah looga wada qeybgalo shirka Brussels.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa ogolaaday dalabkaas, waxayna noqoneysaa markii labaad oo madaxda maamulada dalka ku wehliyaa dowladda hadda jirta shir dibada ka dhacaya kadib midkii ka dhacay Ingiriiska sanadkii hore.

Tan iyo markii la doortey Farmaajo bishii Febuary 8, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeynayay in dowladda Dhexe ay dalka ku matasho shirarka dibadda ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo. Lama oga hadda waxa isbedelay.

Kawada qeyb-galka Shirka Brussels ayaa ka dhigan in wax isbedal ah uusan ku imaan siyaasadihi hore ee madaxda maamullada ku wehliyaan kuwa dowladda Federaalka shirarka caalamiga ah.

Dalalka dhaqaalaha ku bixiya dhismaha ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ka muujiyeen niyad jab wayn, sida hadda u socdaan howlaha dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliyeed, iyagoo ka “aaminaad baxay”.

Saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa shaki gelinaya sida ciidamada xoogga dalka ugu guuleysan karaan amniga, xilli ay soo baxayaan eedeymo Mareykanka u jeediyay oo ah la musuq-maasuqo deeqaha dhaqaale ee Ciidanka.

Shirka Brussels hadda laga sugayo hogaamiyaasha Soomaaliya oo dhan iyo qorsho ay ku mideysan yihiin, iyadoo Dowladda Federaalka ka shaqeynaysay in deeqbixiyaasha ay u gacan-geliyaan dhaqaalaha ay ugu tala-galeen qorshaha amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkan warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiir cusub oo dowladda Belgium usoo magacawday Soomaaliya.

Xigasho: Garowe Online