Soomaaliya kaliya maaha: Imaaraadka oo arrin yaab leh ka sameeyey Tunisia

Tunis (Caasimada Online) – Dibadbaxyo waa weyn ayaa ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, si dadka ay u cambaareeyaan isku day afgmabi oo fashilmay, oo ay ka dambeysay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo uu kashifay wargeys Faransiis ah.

Kooxaha u dhaqaaqa danaha dalka ayaa ku baaqay in la joojiyo faro-gelinta shisheeyaha ay ku hayaan arrimaha dalkaas, islamarkaana la ceyriyo safiirka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira ficillada dowladdiisa.

Horaantii toddobaadkan, wargeyska Le Monde Afrique ayaa shaaca ka qaaday in wasiirkii arrimaha gudaha Tunisia ee la ceyriyey, Lofti Brahem uu qorsheeyey afgambi, isaga oo gacan ka helaya sirdoonka Imaaraadka Carabta.

Tifaftiraha wargeyska, Nocolas Beau ayaa qoray in Brahem uu qalad weyn sameeyey kadib markii uu isku halleeyey saaxiibadiisa cusub ee Imaaraatiga, isaga oo aaminsan inuu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee Tunisia.

Talaadadii ayaa dadka Tunisia ay isugu horbaxeen wasaaradda arrimaha gudaha ayaga oo cambaareynaya isku dayga afgambi ee Imaaraadka ay taageerayeen.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday in dalkaas laga ceyriyo safiirka Imaaraadka, islamarkaana Brahem lagula xisaabtamo ficilladiisa, kadib markii uu halis ku noqday amniga iyo xasiloonada dalka.

Dalka Imaaraadka ayaa sanadihii dhowaa faro-gelin ba’an ku hayey arrimaha gudaha ee dalal badan sida; Soomaaliya, Yemen, Libya iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.comÂ