Xog & Gorfeyn: Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Tan iyo Xornimaddii dalka Somalia marna heer wanaagsan ma gaarin xiriirka Somalia iyo Kenya, waxaana taasi ugu wacan muranka soo-jireenka ee dhulka NFD ee W/bari ee dalka Kenya oo uu Gumeysigii Ingiriiska u hibeeyey Kenya.

Dowladihii soo maray labada dal waxay ogaayeen gocashadaasi, iyadoo Dowladda Kenya sheegtay inaan gorgortan laga geli Karin Milkiyadda Deegaannadda NFD oo ay Qowmiyadda Soomaalidu deggankoodu yahay.

Caburin Milliteri oo saamayn ku yeelatay dadka deegaanka ayaana lagu xusi karaa Sooyaalka Taariikhda ee Goballadda NFD, taasi oo keentay inay dhismaan Jabhaddo Xornimo-doon ah, laakiin Jabhadahaasi waxaa lagala hortegay gacan bir ah.

Xasuuqii Wagalla ayaa lagu tilmaamaa Xasuuqii ugu argagaxa badnaa ee lagula kacay Soomaalida degganaa NFD, iyadoo la sheegay inay Askarta Kenyaatiga si saf-mareen ah u dileen in ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo lagu dilay deegaan 10-km u jirta Degmadda Wajeer.

Xasuuqaasi ayaa ku taariikheysan bishii February 10-dii ee sannadkii 1984-kii, waxaana dhegta dhiigga loo daray Kumanaan qof oo ka mid ahaa Soomaalida degganaa Gobalka NFD ama W/Bari ee dalka Kenya.

Muranka dhulka ka maqan dal-weynaha Somalia ayaa u muuqda inay hadal-hayntiisa meesha ka baxday tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu burburka ku yimid Nidaamka Dowladnimo ee Somalia, isla markaana Soomaalida galeen Cahdi Dowlad la’aaneed.

Burburkii Dowladnimo ee Somalia waxay fursad siyaasadeed u noqotay Kenya maadaama ay ka yaraadeen cabsidii Dowladdii Kacaanka iyo cabsidii ka haysatay Kacdoonka dadka Reer NFD ee Xornimo-doonka ahaa.

Maamulayaasha Kenya waxay dardar-geliyeen inay Soomaalida soo qaxay ku soo dhaweeyaan dalkooda, waxayna u qoondeeyeen Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla Goballadda W/bari oo ay haatan ku jiraan in ku dhow 500,000 oo qof.

Miisaaniyad xoog leh ayaa uga soo burqatay Xerooyinka Qaxootiga, maadaama ay Hay’addaha QM, siiba Hay’adda Qaootiga ee UNHCR kharajkooda ku bixiyaan Adeegyadda darruuriga ee ay uga baahan yihiin gudaha Kenya.

Furfurnaanta dadka Soomaalida ayaa horseeday inuu kobco dhaqaalaha Kenya iyo inay dhismaan Mashaariic ganacsi oo ay Reer Kenya galti ka ahaayeen.

Ganacsatadda waa weyn ee hantidooda kala soo cararay dagaalladdii sokeeye, kuwii beeleed iyo kuwii siyaasadeed ee dalkeenna ka holcayey tan iyo sannadkii 1992-kii ayaa waxay Maalgashi Mashaariic Ganacsi ka bilaabeen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Islii oo noqotay ubucda ganacsiga iyo deegaanka ee dadka Soomaalida ayaa waxaa laga hirgeliyey kumanaan goobo Mehraddo Ganacsi iyo Deegaan.

Dabaqyadda casriga iyo Dukaamaha waa weyn ee badeecad kasta lagu iibiyo ayaa waxaa ka hinaasay Muwaadiniinta Kenya oo iyagu la anfariiray Soomaalida soo-galootiga sida ay Hawlaha Ganacsiga u kala wadaan.

Dadka Soomaalida waxay yeesheen caddaawad iyo in loo quuri waayo Hantida Balaayiinta Dollar ee Islii ku kaydsan, taasi ayaana la rumeysan yahay inay soo dedjisay Hawlgalka ay Ciiddanka Ammaanka ku raafayaan dadka Soomaalida ka soo qaxday dalka Somalia.

Hawlgalladda dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka socda magaalladda Nairobi ayaana keenay in aad loo fekero Khatarta ka dhalan karta Raafka baahsan ee Soomaalida keliya lagu soo koobay.

Hawlgalladda Boliska Kenya waxaa kaloo uu saamayn ku yeeshay dadka Soomaalida-Kenya oo iyagu Kenyaatiga kale ku tilmaamaan Kenyaatiga Heerka Labaad.

Qiimeynta noocaasi ah ayaa waxaa suurtogal ah inay Soomaalida-Kenya wax badan ka fekeraan iyo inay soo gocdaan dhacdadii xasuuqa ee 30-sanno loo geystay Waalidiintooda.

Sioo kale, Ganacsatadda Soomaalida ka soo qaxday dalka Somalia ayaa iminka ku soo baraarugay Hawlgalka Raafka, iyadoo ay Ganacsataddu walaac xooggan ka muujinayaan Khatarta ka dhalan karto Raafka socda iyo muranka dhinaca Diplomaasiyadda ee Dowladaha Somalia iyo Kenya ka dhex aloosan.

Xeeldheerayaasha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa rumeysan haddii la qiimeeyo hantida Ganacsatadda Soomaalida ku leeyihiin Xaafadda Islii inay kor u dhaafayso lacag dhan Trillion Dollar.

Dhaqaalahaasi ayaa waxay isugu jiraan Hanti Ma-guurto iyo Hanti Lacageed Kaash ah, waxaana tiiraanyo iyo tacab beel noqon karta haddii ay Dowladda Kenya ama Kooxo shaar dowladeed wata u soo bareeraan inay dhacaan Ganacsatadda Soomaalida ama ay si fudud ula wareegaan Hantida la soo tacbayey 30-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda ayaa iyagana rajo-beel ka muujinaya inuu Kacdoonka Raafka ee Soomaalida keliya lagu ugaarsanayo u sii xuubsiibto Kacdoon Qaramayn oo ay dadka Kenyaatiga kula wareegayaan Hantida Ajaaniibta oo ay Soomaalida ugu horreyso.

La-wareegga noocaasi ayaa suurtogal ah inuu yimaado haddii aysan Labada Dowladood xal u helin mushkilladda ka dhalatay raafka aan loo maydaan dayin.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa rumeysan inay Soomaalida u soo xawileen qaraxyo iyo deganaansho la’aan , laakiin taasi beddelkeeda Soomaalida waxay aad u rumeysan yihiin in imaaanshahoodii Kenya wax badan laga macaashay oo ay wax ku soo kordhiyeen Dhaqaalihii iyo nolosha Bulshadda Kenya.