Sheekh SHIBLI: Ayaan darane: Cumar Al-Naasiri: Basaanimo Mujaahidnimo, Daroogo, Hadana Qaxooti Dayacan

Qeybtii 2aad

Waa qeybtii 2aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo gudbino dhacdooyin mudan dhugasho badan.

Waxaa gacantayda ku dhacay kitaab ka kooban ( 538 Bog ) oo carabi ku qoran, cinwaankiisuna yahay

( في قلب الجهاد – كيف تسللت إلى صفوف القاعدة ثم تخلت عني المخابرات الغربية  )

Macnaha cinwaankaas dheer ayaa ah:

” Wadnaha Jihaadka – Sideen ugu siibtay gudaha Al-Qaacida, kadibna sirdoonka reer galbeedku ii dayaceen”

Waxaa lagu qoray luqada carabiga, waxaa lagu sheegay ninka qoray Cumar Al-Naasiri, waxaan u aqriyay si haleel ah, waxaana isla markiiba iiga muuqday eray soo jiidahso leh oo ah:

Kitaabkani waxaa ku qoran magac aan ahayn kii runta ahaa ee qoraaga sida uu sheegay, sidoo kalena lama wada rumaysan karo, laakiin waa wax dhici kara, in badan oo lamid ahna way dhacdaa.

Haddaan kitaabkii wada aqriyay waxan ku soo uruurin karaa murtida 4-ta cutub ee oo ka koobanyahay sidan:

Cutubka 1aad: Brussels- Belgium (Bog. 72-185)

Cumar Al-Naasiri waxuu ka dhashay qoys Carbeed oo ka soo jeeday wadanka Maroko, waxuu ku soo koray wadanka Belgium.

– Waxaa ka awood badatay luqadii faransiiksa ee uu la soo koray, waxna ku soo bartay, waxaana inta badan ka  luntay luqadii carabiga ee waalidiintii.

– Waxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya daroogada, sidaasna ku bartay meelaha hubka laga iibsado iyo dadka iibiya qaar kamid ah.

– Waxuu xiriir hub gadis la yeeshay rag Jihaadiyiin ah oo wadankaas la joogay, ragaas oo taageersanaa kooxdii ka dagaalami jirtay Aljeeriya ee (GIA) lagu soo gaabiyo(الجماعة الإسلامية المسلحة ) , waxaana kamid aha wiil oo walkiis la dhasay ah oo uu ku sheegay Xakiim.

– Waxuu soo gadi jiray hubka, waxaana lagu kaydin jiray meel gurigooda kamid ah inta looga helayo dariiq la mariyo, cabsina waxuu ka qabay in boolis ugu yimaado oo danbi ku noqoto.

– Waxaa gurigoda ku soo batay ragii jihaadiyiinta ahaa oo saldhig ahaan ka dhigtay, taasina way dhibtay oo waxay asaga & walaalkii kayar ( Nabiil) jeclaysteen in ay is dhaafiyan raggan badan ee guriga ku soo aruuraya.

– Waxuu ka xaday lacag ay lahaayeen ragii gurgooda daganaa asaga oo doonaya in ay inta cabsadaan gurigooda ka guuraan, taasina waxay dhalisay in ay ku tashadaan in ay dilaan, waxaa arrintaas ku waafaqay walaalkii oo asaga ka waynaa laguna magacaabo Xakiim, waxaase maqlayey walaalkiis kale oo ka yar oo uu ku sheegay Nabiil, waxuuna inta aanu guriga soo galin ugahortagay banaanka oo u sheegay in loo tashaday sidii loo dili lahaa, walaalkood Xakiim-na ku waafaqay dilkaas waayo waxuu noqday Daaquud.

– Waxuu cabsi kula cararay sirdoonka Faransiiska, waxuuna tagay qunsuliyadda ay ku leeyihiin Brussels, asaga oo doonaya in dadkaas la xirxiro maadaama uu naftiisa uga baqay.

– Waxay arrintaasi fursad qaali ah u noqotay sirdoonka oo u sheegay laba arrimood:

  1. In uu dib ugu laabto guriga iyo raggii, una sheego in uu qaldamay, Allaahna u towbad keenayo si loo cafiyo.
  2. In ay ka bixinayaan lacagta laakiin ay todobaad qaadanayso, asaguna uu ballan qaado soo celinta lacagtii uu xaday, waqti koobanna la siiyo, taas oo guulaysatay, lacagtiina laga bixiyay.

– Waxuu u shaqo billabay sirdoonkii lacagta ka bixiyay, ayaguna waxay la socdeen dhaqdhaqaaqiisa, waxayna u fududaynayeen hawsha loo soo dirsado ee hub gadista ah mudo sanad ama ka badan ah.

Cumar Al-Naasiri waxaa kale oo uu qaybin jiray jariidadii Al-Ansaari ee ay soo saari jirtay Jabhaddii GIA waxayna taasi sahashay in uu ogaado wax badan oo kamid ah dadka kala shaqeeya Yurub ee qaybiya jariidadan, waxayna ahayd xog kale oo muhiim u ahayd sirdoonka.

– Waxaa qabatay xumad qandho oo inta ay ka tanbadisay uu is xakamayn waayay, waxuuna u sheegay ragii (Yaasiin, Amiin & Xakiim) in uu sirdoonka  Faransiiska la shaqeeyo, markii la waydiiyay sababtana waxuu ku sheegay in uu Allah dartiis & u shaqaynta Jihaadka u dhexgalay !!!.

– Waxaa is bedalay jawigii fadhiga, waxaana soo baxday in raga qaar maqanayahay asaga ama ayaga amaba dhamaantood, intaas kadib waxaa si deg deg ah u qabqabtay ragii oo guriga ugu soo dhacay sirdoonkii uu la shaqaynayey asaga oo goobta ka maqan, waxaana la taxaabay tan iyo walaalkiisii yaraa oo uu horay ugula heshiiyay sirdoonka in la badbaadiyo, oo asaga kaliya waqti kooban kadib la soo daayay.

– Waxay sirdoonku ka codsadeen in uu xabsiga galo, sii xogta ku dhiman nimankaas uga soo helo, maadaama dadka xabsiga ku wada jira is aaminaan inta badan, waxaase diiday Cumar Al-Naasiri oo ogaa in uu ragaas u sheegay basaasnimadiisa, xogtaas oo ka qarsoonayd sirdoonkaas.

Cutubka 2aad: Afghanistan (Bog. 184-392).

– Waxaa intaas kadib soo baxday in uusan joogi Karin wadanka maadaama ay kashifantay shaqadii uu ku jiray, loona baahan yahay in loo hawo badalo, waxaana sidaas loogu diray dalka Afganistan (1995-1996) si uu u dhex galo xeryaha lagu tababarto ee wadankaas ku yaalla, waxuu sii maray Turkiga oo sigaarkii ugu danbeeyay ku cabay, kadibna Pakistaan, waxuuna ka sii raacay jamaaca Tabliiq ah, waxuu tagay Afghanistan oo uu ku soo tababartay xeryaha ay qaar AlQaacida ku lahayd Afghanistan kahor xukunkii Daliban.

– Waxaa kamid ah xeryaha uu soo maray ( Khalidan) oo uu madax ka ahaa Ibnu Sheekh Al-liby, (Darwanta) waxuu la baxay magac cusub oo looga yaqiinay xeryaha lagu tababarto oo ah Abuu- Imaam Al-Maqribi waxuuna ka soo laabtay 1996 dhexdeeda.

Cutubka 3aad: Yurub Mar kale (Bog. 408-500).

Cumar Al-Naasiri waxaa u dhamaaday tababarkii, waxaana dib loogu soo diray Yurub ( Britain, France, Germany, Belgium) hadba midkii ay u suiragasho.

– Waxuu ku soo laabtay Yurub asaga oo loo soo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo wadamadaas uu yaqaanay dabeecadooda, qaab dhaqankooda iyo wax badan oo kamid ah luqadahooda, waxaana la siiyay:

  1. Passaport-kiisii oo horay looga reebay.
  2. Saddex telefoon Number oo uu kala soo xariiro Abuu Zubayda.
  3. Laba boosto oo uu wax ku soo diro.
  4. A/C oo marka uu dago lacagaha deeqda ah ku soo diro.
  5. Mawjad uu kala soo xariiri karo oo kuwa halow halow-ga ah.
  6. Sahaydii ama kharashkii uu ku soo dhoofi lahaa.
  7. Boorsadiisii iyo alaabadii ugu jirtay dhamaan marka laga reebo mindi lahayd macatabka gaalada.

– Waxaala tusay buugii uu ku qoran jiray tababarka xeyrada Darwanta waxaana loo sheegay in marka uu mell dago, cinwaanna yeesho loo soo dirayo, waxaana soo sagootiyay Abu Zabiidah & Ibnu Sheikh Al-liibi.

 Waxay sirdoonka reer Galbeedku u fududeeyeen gadista iyo gudbinta hubka wax badan oo kamid ah, waxayna siin jireen dhaqaale badan si loo dhiso kalsooni ah in uu yahay madaale si wanaagsan ugu shaqeeya Jihaadka, kadibna ay uga helaan xogta ay doonayaan.

– Waxuu helay kalsooni dhinaca Jihaadiyiinta ah, maadaama uu yahay nin geesi ah, wax qabadkiisa dhaqaale iyo hubna muuqdo, ayada oo aan la is waydiinin meesha uu ka keenayo lacagtan fara badan ee uu soo dirayo.

– Waxaakamid ahayd dhacdooyinka ugu muhiimsan in uu keenay hub lagu qarxiyay caasima Aljeeriya, oo inta sirdoonka Faransiisku baareen kadibna dad badan oo yurub jooga u xirxireen ayaga oo tusaya dadka in aan laga baxsan Karin.

– Waxaysidaas ku dhacdaa inta hubka laga qorto numbers-ka sida hubkan, dariiqa loo fududeeyo, la ilaalaysto dadka loo dhiibayo iyo kuwa jidka lagu sii marayo, hadana la sheego in la baaray oo la ogaaday xog rasmi ah, kadibna la qaaday tallabo sharci ah.

Cumar Al-Naasiri  waxaa loo diray markii danbe in uu tago Ingiriiska, oo soo basaaso Sh. Abuu Xamza iyo dadka ku xeeran ee yimaada masjidkiisa, taas oo uu fuliyay, waxaa u sahlay in uu ku dhawaado Sh. Abuu Xamza asaga oo u sheegay in uu ka yimid Afghanistan, kuna soo tababartay xeryihii uu soo maray Sheekhu, walibana uga sheekeeyay raggi uu yaqiinay iyo qisadii uu sheekhu ku waayay gacmihiisa asaga oo ahayd in asaga oo baranayaa waxyaabaha qarxa inta wax ka qaldameen ay ku qarxeen sidaasna gacmaha ku waayay.

– Waxuu joogay Ingiriiska mudo, waxuuna soo basaasay Sh. Abuu Xamza, Abuu Qataada, Abul-Waliid Al-falasdiini iyo rag badan oo ka kala yimid wadamada Yurub, Afghanistan iyo Carabta, waxayna isku arkeen nin kamid ah ragii uu sirdoonka Belgium u dhiibay markii uu xanuunsaday, taas oo keentay in uu cabsi badan dareemo aakhirkiina ka tago Ingiriiska.

Cutubka 4aad: Germany (bog.503-523).

– Waxuu go’aansaday in uu guursado gabar ay ku kulmeen Faransiiska oo uu ku sheegay Faaduma, ayaduna daganayd Jarmalka, xiriir guurna ay lahaayeen waqti dheer, sirdoonka reer galbeed-ku waxay isku dayeen in ay ka hor istaagaan guurkaas oo ay u arkayeen in ay is diidayaan shaqada uu hayo iyo guurku.

– Waxaa lagu wargaliyay in uu mar kale aadayo Afghanistan, waxaana la geeyay magaalada DAKAR oo ah caasimada Senegal oo ku taalla badda Atlantic cidhifka galbeed ee Africa, waxaana lagu hayay mudo bilo ah oo la siinayey lacag badan, waxaa laga qaaday Passaport Faransiis ah oo uu ku shaqaynayey, waxaa loo soo celiyay kiisii marookaanka ahaa, waxayna ahayd ujeedadu in laga celiyo guurka ee looma wadin Afghanistan.

– Markii uu ku adkaystay in uu guursanayo, go’aansaday in uu iska daayo shaqadan basaasnimada ah maadaama aan la isku wadi Karin waxaa loo ballan qaaday in meel la dajinayo, lana caawinayo, hase ahaatee waxaa looga baxay dhamaan ballan qaadyadii, waxaana la geeyay Jarmalka oo ay joogtay Faaduma oo uu rabay in uu guursado, waxaana loo tilmaamay in uu qaxootinimo isu dhiibo.

Cumar Al-Naasiri waxuu qaxooti sharci la’aan ahaa shan sano, waxaana soo martay duruuf adag oo nololeed, lamana siin dhaqaalihii loo ballan qaaday.

– Waxuu ka calaacalay in si aad u xun loola dhaqmay oo haba yaraatee aan lahayn xushmad iyo in uusan sheegan Karin dadkiisii, xaaskiisana aanay baran Karin dadkiisii, hadii uu sheegto dhibaatadana uu naftiisa uga baqayo nimankii ku shaqaystay.

Cumar Al-Naasiri Waxuu go’aansaday in uu kitaabkan qoro oo uu ku sheegay shaqada uu hayay iyo caaqiba xumadeeda, oo inta danbi, dakane & diin xumola galiyay hadana dunida lagu dullaystay, walina uu ka baqayo in loo dilo kitaabkan uu qoray dartiis.

Dhugasho:

Waxaa mudan in la dhuuxo waxyaabo badan oo qisadani muujinayso, waxaana ka mid ah:

  1. Waxaa Cumar Al-Naasiri u galisay sirdoonka cabsi uu ka qaaday walaalkii & saaxibadii (Bog. 100,109), wayna badan tahay in ay dhacdo sidaas oo kale.
  2. Waxuu Cumar Al-Naasiri horay iyo gadaalba keeni jiray lacago badan, hase yeeshee la isma waydiin xagee ka keenyaa dhaqaalahan? !!!.
  3. Waxay sirdoonku kula taliyeen in uu walaalkii & saaxibadiis u sheego in uu Allah u tawbad keenayo, ayagana cafis uga baahanyahay (Bog. 109)!!!.

Waxaa taas lamid ah in uu isku dayay in uu ka dhaadhiciyo in galitaanka sirdoonku hayd Allaah dartiis!!!>

  1. Waxaa Cumar Al-Naasiri laga dalbaday in uu xabsiga galo si uu gudaha xabsiga uga soo basaaso (Bog. 183)!!!.
  2. Waxaa Cumar Al-Naasiri la galiyay danbi iyo dakane badan, waxaana laga gooyay dadkiisii oo uu sheegan kari waayay, kadibna asaga oo dayacan ayaa dibadda la dhigay, waana tilmaanta ayaan darane.

Waxaan intaas ku soo afmeerayaa qeybtii 2aad ee Ayaan Darane, waxaana xigi doonta qeybtii 3aad in shaa Allaah waqti aan dheerayn.

Qore/ Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli