Sh. MAXAMUUD SHIBLI: Ayaan Darane IBNUL-CALQAMI iyo TATAARKII

Qeyb. 3aad

  • Waa qeybtii 3aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo bandhigno dhacdooyin mudan dhugasho gaar ah.
  • Waxaan qeybtan ku soo qaadanayanaa nin ka qeyb qaatay dhacdadii Tataarku ku qabsadeen caasimadii Muslimiinta ee Baqdaad qarnigii 7aad ee Hijriga (656H), kuna dileen khaliifadii Muslimiinta, kadibna asagii u geeriyooday murugo iyo tiiraanyo.

Qisada Oo Kooban:

–   Ibnul-Calqami: Waxuu ahaa wasiirka khaliifkii Cabbaasiyiinta ee waqtigaas haystay, waxaana lagu magacaabi jiray ( AlMustacsim Billaahi  المستعصم بالله ), waxaana lagu matali karaa xilkiisa Ra’iisul Wasaare.

–   Waxuu ahaa nin shiica ah oo cuqdad wayn oo diineed u qabay khaliifada iyo dhamaan dadka sunniga ah, hase yeeshee waa qarsan jiray sida ay tahay caqiidada shiicadu (Taqiyyah).

–   Waxuu xiriir hoose la lahaa dawladii Tataarka oo xilligaas dagaal adag kula jirta Dawladii Muslimiinta ee Cabbaasiyiinta, waxaana dhinaca Tataarka la socday oo ay xiriiri jireen nin kale oo asaguna Shiica ahaa laguna magacaabi jiray Nasiirudiin AlDuusi نصير الدين الطوسي.

–   Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in la rido dawladda Cabaasiyiinta, Tataarka-na loo fududeeyo qabsashada Baqdaad oo ahayd caasimadda dawladda Muslimiinta, xilkaasna ah wiiqidda dawladda Cabbaasiyiinta waxaa qaaday IbnulCalqami.

–   Waxuu Ibul Calqami ka haystay khaliifada Cabaasiga ah kalsooni iyo aaminaad badan, waxuuna ahaa nin khiyaano & mardabo badan, halka khaliifkaas lagu tilmaamo nin daman oo daciif ah, una suuban hogaanka sare ee Muslimiinta.

–   Waxuu IbnulCalqami ka dhaadhciyay khaliifkii laba arrimood oo kala ah:

  1. In la dhimo tirada & miisaaniyadda ciidamada dawladda oo aad u badnaa asaga oo ka dhigaya in aan loo baahnayn, culays dhaqaale oo bandanna ku hayaan dwladda, waxuu sidaas sameeyay ayada oo dawladu kula jirto Tataarka dagaal adag.
  2. In ciidamada qeybo kamid ah loo leexiyo hawlaha guud ee bulshada sida beeraha, farsamada iwm, si u kala dhantaalo awooda ciidamda.

–   Waxaa ciidamdadii ku dagaalami jiray fardaha oo dhamaa 100,000/. Sanadkii 640H, laga dhigay sanadkii 654H, ilaa 10,000/. Kaliya.

–   Waxaa la dhimay tababaradii ay qaadan jireen iyo taakuladii dhaqaale ee la siin jiray ciidamada ilaa ay gaareen in ay ka tuugsadaan suuqyada, taas oo keentay in ay qiima dhacaan, kana tago qof kasta oo tayo lahaa, ciidamadiina ay ka niyad jabaan dagaalka iyo difaaca dawladda, taas oo ah sidii uu doonayey IbnulCalqami.

–   Waxaa fududaatay in ay Tataarku soo jabiyaan ciidamadii dawladdii Cabbaasiyiinta, waxayna qabsadeen caasimaddii ahayd Baqdaad oo hadda ah caasimadda Ciraaq.

–   Waxay Tataarku doonayeen in aanay dilin madaxa sare ee Khaliifada ah oo ay la galaan heshiis, hase yeeshee waxaa ku taliyay in la dilo asaga & madaxda sare labadii nin ee kala ahaa Ibnul-Calqami & Nasiirudiin AlDuusi oo ku tilmaamay in ay tahay dayntoodu talo aan haboonayn, waayo heshiiskaas dhawr sano kadib dib ayay isu abaabulayaan wayna ka baxayaan Muslimiintu, xaalkuna halkiisii ayuu ku noqon doonaa hadii ragan la daayo, waxayna siiyeen qoraal dheer oo ay ku qoranyihiin dadka ay tahay in la laayo.

–   Waxay Tataarkii qaateen taladii labadaas nin soo jeediyeen, waxayna goobtaas ku dileen khaliifkii (Madaxii Sare) muslimiinta iyo dad badan oo gaaraya (700) oo qof oo u badnaa culimo, qaadiyaal, saraakiil ciidan iyo madaxdii dawladda.

–   Waxaa is bedelay midabkii wabiga Dajla oo ku yaalla magaalada Baqdaad, Marna dhiigii muslimka ayaa ka dhigay gaduud, marna waxaa madoobaysay qadda kutubtii lagu daadiyay.

–   Waxay Tataarkii ka baxeen magaaladii Baqdaad ayaga oo ka baqaya cuduro ama daacuun ka dhasha maydadka daadsan ama lagu gubay magaalada gudaheeda.

–   Waxay Tataarkii magacaabeen gole maamul oo uu madax ka yahay Ibnul-Calqami, waxuuna ahaa magac u yaal aan awood lahayn oo uu xukumo askariga dablaha ah ee Tataarka.

–   Waxay taasi murugo wayn ku beertay Ibnul-Calqami oo filayey in la sharfi doono maadaama uu dawladii muslimka dhabarka ka jabiyay, gaaladii Tataarkana dalka qabsashadiisa u fududeeyay.

–   Waxaa dhici jirtay asaga oo Madax ah oo saaran faraskiisa in ay waardiyeeyaan ciidamada Tataarka, sida ay rabaanna ula hadlaan ama ugu hanjabaan ayaga oo tusaya tag daradiisa halka dawladii hore ee uu khiyaamay lugaha laga dhunkan jiray, jidkana loo sii bannayn jiray, waadna qiyaasi kartaa xanuunka uu dareemi karo.

–   Malin kamid ah maalmaha ayaa waxuu saarnaa dameer ama faras, waxaa hareeraha ka socday askar Tataar ah, waxayna garaacayeen dameerkii ama faraskii uu saarnaa, taas oo ku ahayd sharaf dhac wayn asaga oo xaakim ah suuqa dadka dhexdiisa ahna maraya, waxay soo mareen haweenay Muslim ah oo taqiinay, waxa uu sameeyayna ogayd waxay ku tiri:” Sidaas miyay kuula dhaqmi jireen Cabbaasiyiintii “?.

–   Waxuu hadalkaas wadnaha kaga dhacay, murugo iyo tiiraanyo badanna ku reebay Ibnul-Calqami oo asaga oo madax ah inta cadow keenay dalkiisii, hadana la sharaf dilay, waxuuna fariistay gurigiisii, kadib maalmo kooban isla sanadkii 656H ayuu u geeriyooday murugo iyo tiiraanyo qabsatay.

–   Ibnul-Calqami waxuu dhadhamiyay mirihii qaraaraa ee uu beeray, qoomamo iyo qalbi xumana waxba uma qaban.

–   Waxaa Ibnul-Calqami la galiyay Danbi iyo Dakane, hadana inta la dullaystay ayuu u dhintay damiir xanuun, sow ma aha Ayaan Darane seegay labada daaroodba?.

Halkan ka aqri qeybtii hore

W/Q:  Sh. Maxamuud Maxamed  Shibli