27 Bishii Agoosto ee Sannadkaan ayaa Magaaladda Adis-Ababa waxaa Heshiis ku kala Saxiixey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo , hase yeeshee Heshiiskaa waxaa markiiba ka Hor yimid inta badan Beelaha Degga Gobolada Jubooyinka iyagoo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan Dadka Deegaanka sidoo kale waxaa Heshiiskaas ka Horyimid Beelaha Digil iyo Mirifle oo Odoyaashoodu oo ay Sheegeen in Dowlada ay Heshiis kula gashey Deegaan ay leeyihiin Qowmiyadaasi Digil iyo Mirifle.
Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Kulan Deg Deg ah isugu yimaadeen Magaaladda Baydhabo waxayna si Cad u sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka waxayna Xldhibaanadda iyo Wasiirada Beelaha Digil Mirifle ku jira Dowladda u soo jeediyeen in ay Deg Deg ku soo gaaraan Magaalada Baydhabo si looga arrinsado Heshiiskii ay wada gaareen Dowlaada Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe waxayna Sheegeen in Heshiiskaas wax badan oo Xaquuqa oo ay lahaayeen Beelaha Digil iyo Mirifle lagu Duusiiyey, waxaana Magaaladda Baydhabo lagu qabtey Banaanbax Looga soo horjeedo Heshiiskii Magaaladda Adis-Ababa.
Codsigii ka soo yeerey Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa u Hogaasamey inta badan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Dowladda Federaalka ku lahaayeen waxaana Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay gaareen Magaaladda Bayadhabo halkaas oo ay si weyn ugu soo Dhaweeyeen Odoyaasha ,Waxgaradka & Maamulka Gobolka isagoo mar la hadlayey Dadkii soo dhaweeyey ayaa yiri “Waxaa Farxad noo ah inagoo isku Duuban in aan soo hor Fariisano Odayaasha Dhaqanka ee soo Xulay Xidhibaanada iyo Wasiiradda waxaana Muhiim ah n Odayaasha Dhaqanku ay yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu Dambeeya”
Dhowr Maamlmood oo uu joogey Ku Simaha Madaxweynaha Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa Odoyaasha iyo Masuuliyiintoii Dowladda ay si Wadajir ah u soo saareen Qodobadaan 1. In la dhiso Dawlad G oboleed ka kooban lix da Gobol l kuwaasoo kala ah : Shabeeladda Hoose Jubada Hoose, Jubadda Dhexe , Bay, Bokool iyo Gedo. sida ugu Dhaqsiyaha badana loo Dardar galiyo Dhisida Dawlad Goboleed ka Koonfur Galbeed .
2. In Heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda ka socotay Kismaayo ee ay kula gashay Magaalada Add is Ababa Bishii Ago osto 2 7 , 2013 uu yahay mid Xaaraan ah oo aan la aqbali Karin, kaasoo ah mid aan Waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq – Duudsi Bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Sidaa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula Taliyo in ay dib ugu fiirsato.
3. In Beesha Caalamka iyo Dowldaha Deriska ah ee Goobjooga ka ahaa Gorgortanka Heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Baaqa Qowmiyadan iyo iney Dib u eegis ugu noqdaan Heshiiskan oo aan ka Turjumeynin Xuquuqda Dadka Deegaanka.
Warar aan a helney Rag SIiyaasiyiin ah oo ku Dhow Madaxtooyada waxay in sheegeen in Heshiiskii ka dhacay Magaaadda Adis-Ababa ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe uu Khilaaf ku dhex Abuurey Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo inta uusan u Ambabiixin Mudane Jawaari Magaalada Baydhabo uu Madaxweynaha uu ka Codsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu sii joogo Magaalada Muqdisho inta uu ka soo laabanayo , waxayna Siyaasiyiintaas ay sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diidey isagoo si cad Jawaari u sheegey in ay u Hogaansamayaan Amarka Odayaasha
Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Warar aan ka helney Siyaasiin ku Dhaw Dhaw Madaxtooyada wuxuu Warqad u direy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud taasoo ku saabsan sida ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Magaaladda Adis-Abab ee Dhex marey Dowladda Federalkaa iyo Maamulka Axmed Madoobe isagoo Warqadiisa ku sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid dad gaar ah Heshiis ku gaareen islamarkaan waxaa lagu sheegey Qoraalkaas in ay u Hogaansamyaan Qododbadii sida Wadajirka Baydhabo uga soo saareen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo Nuxurkiisu ahaa in laga soo Horjeesto Heshiiskii Adis-Ababa islamarkaana Lix Gobol loo sameeyo Maamul Goboleed la Magac baxay Koonfur Galbeed taasoo la sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Caroodo.
Isku soo duuboo Qayla Dhaantu keliya kama eka Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil Mirifle waxay taas mid la mid ah ka soo yeertey Dadka Degan Gobolada Jubooyinka iyo Gado waxayna Heshiiskaas ku Tilmaameen mid Cadaaladarro ah oo Xaquuqdoodii lagu Duusiiyey inta badan Beelaha Dega Goboladda Jubbiyinka hase yeeshee Khilaafka la sheegeyn in uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la ogeyn halka uu ku Dambeyn Doono walow hadii garguurte dantiisa kasi waayo ay u badan tahay in dowlada ayada oo dhan la rido laakiin madaxweynaha ayaa ku fekeraya in ciidanka dowlada la geeyo oo ay xoog ku tagaan ilaa Bu-aale kadib Axmed Madoobe uu yiraahdo WAAN KA BAXAUY HESHIISKII EE XAGEED HEYSATAA OO AAN KUGULA GORGORTAMAA.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online