Xog: Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo durbaba billaabay xil ka qaadis (Faahfaahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa durbadiiba bilaabay xil ka qaadista Saraakiisha Maamulka Gobolka Banaadir ee uu horay u magacaabay Muungaab.

Talaabadii ugu horeysay ee uu qaado Gudoomiyaha Gobolka ayaa noqotay xil ka qaadis uu ku sameeyay Taliyihii hore ee ammaanka xarunta dowlada Hoose ee Xamar.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa waxaa la oran jiray Saalax Jiis waxa uuna xilkaasi hayay muddo badan, waxaana iminka qaaday seefta Gudoomiye Madaale.

Gudoomiyaha ayaa xilkaasi la sheegay inuu u magacaabay C/salaam Cumar Dheere oo ka mid ahaa Saraakiisha DFS ee ka howlgali jirtay degmada Balcad.

Xil ka qaadistaani ayaa waxaa ku xigi doona Xil ka qaadis kale oo lagu sameeyo Saraakiil farabadan oo ka tirsan Gobolka, Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo kuwa haya waaxyaha Degmooyinka.

Tallaabadaani ugu horeysay ee noqotay xil ka qaadista ayaa waxa ay cabsi gaar ah galisay dhalinyarada sida mala awaalka ah uu Muungaab xilka ugu safay, waxaana la filayaa in xilalkaasi loo dhiibo shaqsiyaad aan Siyaasada dalka looga baran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com