Maamul cusub oo loo dhiibay Caasimada Online

Maamulka cusub ee la wareegay gacan ku haynta shabkadda Caasimada Online ayaa sameeyey is-beddelo xagga shaqada iyo maamulka ah.

Maamulka ayaa xubnaha soo socda u kala magacaabay shaqooyinka ay ku xusan yihiin.

1 – Agaasimaha Caasimada Online waxaa loo magacaabay Asad Maxamed Gacal, oo deggan magaalada London ee dalka UK.

2 – Tifaftiraha Caasimada Online waxaa loo magacaabay Feysal Cabdi Mataan, oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi.

3 – Madaxa wararka waxaa horey u ahaa siina ahaan doonto Sahra Axmed Jimcaale (Xanaan), oo ku sugan magaalada Nairobi.

4 – Madaxa baarista iyo daba-galka wararka gaarka ah, waxaa horey u ahayd siina ahaana doonta Caaliya Muxumad Cabdi, oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Weriyayaasha Soomaaliya iyo dalalka kale ee caalamka sidooda ayay howsha u wadi doonaan.

Waxaan rajeyneynaa in is-beddelada cusub ay sare usii qaadi doonaan howshii iyo wararka looga bartay Caasimada Online. Mahadsanidiin

Maamulka cusub ee Caasimada Online