Exclusive: Warqad madaxweyne Xasan Sheikh u qoray China oo fadeexad weyn dhalisay (ARAG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa xummaaday kadib warqad fadeexad iyo ceeb dhalisay oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u qoray dhiggiisa China Xi Jinping.

Warqadda madaxweynaha Soomalaiya oo ku taariikheysan 20-ka august 2014, islamarkaana ay si gaar ah u heshay Caaismada Online, ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu China kaga dalbanayaa maal-gelin, isaga oo China u ballan qaaday inuu si gaar ah ugu gacan gelinayo kalluumeysiga Soomaaliya iyo wax soo saarka beeraha.

China ayaa aad ugu riyaaqaday yabooha madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ay soo qortay warqad jawaab ah, oo kusoo dhacday safaaradda Soomaaliya ee Beijing.

Si kastaba, warqaddaas ayaa waxaa jidka u galay, oo warqad kale ka daba qoray safiirka Soomaaliya ee China Yuusuf Dheeg, oo warqadda madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid la been abuuray.

Lama garanayo sababta uu Yuusuf Dheeg sidaas u sameeyey, hase yeeshee waxa uu been abuurka warqadda madaxweynaha ku eedeeyey xoghayaha safaraadda Soomaaliya ee Beijing Saciid Mire.

Ballanqaadka madaxweynaha Soomaaliya iyo warqadda uu China u qoray, ayaa waxaa ka warhelay dowladda Mareykanka, waxaana la tuhunsan yahay inuu Yuusuf Dheeg u gudbiyey.

Mareykanka ayaa si aad ah uga carrooday tallaabada Xasan Sheekh, uu kula xiranayo China, oo xifaaltan dhaqaale uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markaas kadib ay lasoo xiriirtay dowladda Mareykanka, ayaa isaga oo ka cabsanaya in xilka uu waayo ka laabtay ballanqaadkiisa, wuxuuna sii raacay hadalkii Yuusuf Dheeg ee ahaa in warqadda been abuur tahay.

Sida ay xogta leedahay, dowladda China ayaa Iyana markeeda ka warheshay arrinta uu ku kacay Xasan Sheekh, waxaana ay ka qaaday carro xooggan, kuna amartay dowladda Soomaaliya inay dib u habeyn ku sameyso safaaradda China.

China ayaa sidoo kale la sheegay inay dib ula laabatay qorsheyaal badan oo maal-gelin ah oo ay ugu tala gashay Soomaaliya, sababo la xiriira tallaabada madaxweynaha Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda China oo baaritaan ku sameysay warqadda muranka dhalisay ayaa ogaatay inay tahay mid sharci ah oo uu soo qoray madaxweynaha Soomaaliya balse uu dib ula laabtay, isaga oo ka baqaya Mareykanka.

Xiriirka labada dal iyo qorsheyaal China ay ugu talagashay Soomaaliya, ayaa sidaas meesha uga baxay.

Caasimada Online, ayaa idiin soo gudbineysa warqadda madaxweynaha Soomaaliya uu qoray iyo warqadihii ka dambeeyey ee hoos ka aqriso.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/Chino-Somali-info.pdf”]