Xog: Xildhibaan MAHAD CAWAD oo dhaqaalo ku bixinaya danta maamulka PUNTLAND iyo tan….!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa dhaqaalo ku bixinaya arin ay dan weyn ug jirto maamulada deriska ah ee Puntland iyo Galmudug oo marar badan warbaahinta iska dagaalay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maalinti shalay magaalada Gaalkacyo ay kulan ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug, kulankaasi oo looga hadlayay sidii loo dhameyn lahaa xiisado dagaal oo ka taagan Mudug.

Xiisadaha dagaal ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug, waxaase odayaasha oo kulmay isku raaceen in hishiis la kala dhex dhigo dhinacyada dagaalsan.

Sida wararka aan ku heleyno kulanka Odayaasha ee shalay waxaa laga shaaciyay in Mahad Cabdalle Cawad uu bixinayo dhaqaalaha ku baxayo dib u hishiisiinta beelaha wada dagaalamay.

Arinta dib u hishiisiinta ayaa danweyn waxay ugu jirta maamulada Galmudug iyo Puntland oo deris ah, sababtoo ah waxaa laga baqayay in colaadaha ay faafeen oo ay saameeyaan dadka ku dhaqan deegaanada xuduuda ay wadaagaan labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com