Xog: Borsaani oo qorshe culus damacsan kadib..

MuqdishoMuqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yusuf Jimcaale, ayaa wado qorsho uu ku bedelaayo dhamaan Ciidamada amaanka ee ka howlgala Xarunta weyn ee maamulka Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa doonaya in amaanka Xarunta uu u gacangalsho ciidamo gaar ah oo uu kasoo kala xushay Booliska iyo Nabadsugida kadib markii uu cabsi ka muujiyay dayacnaanta amaankiisa.

Ciidamada uu Gudoomiyaha bedelka ku sameyn doono ayaa waxaa halkaasi geeyay Gudoomiyihii hore Muungaab, waxaana lasoo warinayaa in badi ay kasoo jeedan hal laf oo qura.

Cabsida keentay in Gudoomiyaha uu bedelo Ciidamadaasi ayaa ah mid la xiriirta siyaasada liidata ee kala dhexeysa Muungaab waxaana suuragal ah in taasi ay sababto weeraro lagu qaado xarunta, bacdamaa aasaaska ciidamadaasi uu yahay mid ka imaaday dhanka Gudoomiyihii hore ee Gobolka.

Qorshahaani uu wado Gudoomiye Boorsaani ayaa daba socda qorsho uu dhawaan xilka uga qaaday Taliyihii Ciidamada Xarunta Maamulka.

Geesta kale, Mas’uuliyiinta DF ayaa caado u ah in amaanka xarumaha ay mas’uulka ka yihiin ay gacanta u galshaan Ciidamo gaar ah, waana tan keentay kalsooni darida ka dhexeeysa madaxda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com