Sarkaal ka tirsan SKA oo MUQDISHO lagu dilay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil maanta degmada Dharkeynley loogu geystay xubin katirsanaa shaqaalaha shirkada SKA ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqidsho.

Ruuxa la dilay oo ku sugnaa degmada Dharkeynlay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay C.laahi waxaana uu la shaqeynayay shirkada SKA oo wali ka shaqeysa dhismaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Kooxaha hubeysan ayaa dilka ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay balse, ciidamada amaanka ayaa kadib tagay halka uu dilkaka dhacay waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano amaanka lagu xaqiijinayay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ruuxaasi ay dileen xili uu kusii jeeday guri kale oo aan ka fogeyn halka uu ka degen yahay degmada DHarkeynlay ee gobolka Banaadir.

Ruuxa la dilay ayaa shirkada SKA u qaabilsanaa dhanka amaanka balse marka uu dilka dhacayay ma jirin wax ilaalo ah o la socday Cabdulaahi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com