GUULEED oo maamul u magacaabay MUDUG.!!

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Mudug, kadib markii uu xilalkii ka qaaday Maamulkii hore ee Gobolka Mudug.

Xaflad xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa lagu shaaciyay Maamulkaan cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabay, waxaana ka qaybgalay xafladaasi masuuliyiin kala duwan.

Madasha ay ka dhaceysay Xaflada magacaabista Maamulka cusub ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynayaashii hore ee Galmudug ee kala ah Maxamed Axmed Caalin iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Digreetada magacaabista Maamulka cusub ayaa halkaasi laga aqriyay, waxaana lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug iyo ku xigeenadiisa.

  • C/rashiid Xaashi Cartan (Gudoomiyaha Gobalka Mudug)
  • Cabdi Xuseen Sheekh Axmed (Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka Mudug)
  • Axmed Maxamed Shire (Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka Mudug)
  • Maxamed Ali Adan (Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka Mudug)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan ayaa goobta ka sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee Madaxweyne Guuleed uu u magacaabay, wuxuuna wada shaqeyn ka dalbaday Shacabka Gobolka Mudug.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa muddooyinkii u dambeyay wuxuu waday isbedelo uu ku sameynayo masuuliyiintii hore ee Maamulada Degmooyinka Mudug iyo Galgaduud.