Xog: Guudlaawe oo soo diiday qorshe ay Jowhar u tageen xubno wakiil ka ah Fahad

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa guul-darro ku soo dhamaaday safar maalmo qaatay oo Jowhar ay ku tageen xubno uu dirsaday oo wakiil ka ahaa Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin.

Xubnahaas oo ay hoggaaminayeen wasiiru dowladaha gaadiid ee XFS Cabdiraxmaan Dheere iyo wiil gacan yare u ah Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo Anas ayaa ku soo guul-dareystay qorshe ay doonayeen inuu u fuliyo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Sida aan xogta ku helnay xubnahaan oo wakiil ka ahaa Fahad ayaa Cali Guudlaawe ka dalbaday in si hor maris ah loogu soo saaro doorashada shan ka mid ah kursasta golaha shacabka ee taalla Beledweyne, kuwaas oo uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin uu u tartamayo ee haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Fahad ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in sanadkaan uu u tartamo kuriga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhow xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu diiday qorshaha ay ula tageen xubnihii ka socday Fahad Yaasiin.

Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu ku dooday in qorshahaas uusan fuli karin isagoo aan tegin Beledweyne, sidoo kalena aysan dhammaan doorashada kuraasta golaha shacabka ee taalla magaalada Jowhar.

Xogaha ugu dambeeya ee aan ka heleyno Jowhar waxay sheegayaan in xubnihii uu soo wakiishay Fahad Yaasiin ay dib ugu laabteen Muqdisho, iyagoo wax natiijo ah aan ka sidin Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale xubno ka tirsan kooxda ololaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Axmed ayaa Jimcihii shalay tegay magaalada Jowhar, kuwaas oo qorsheynaya in Madaxweynaha HirShabeelle ay kala hadlaan kuraas dhowr ah oo ay rajo ka qabaan saaxibadood ku soo baxaan.