27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Xog: Guuleed, Axmed Madoobe iyo Shariif oo ku heshiiyey hal musharax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mida madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa hogaan u noqday ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in dib loogu doorto xilka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isbaheysi xisbi iyo doorasho la leh siday u kala horeeyaan Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana isa soo taraya howsha adag ee ay hayaan.

Labada madaxweyne ayaa dhowaan tegay magaalada Nairobi, halkaasooo ay shir gaara oo qarsoodi ahaa kula yeesheen madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe si uu ugu soo biiro taageerada dib u doorashada Xasan Sheekh.

Warar ku dhow labada madaxweyne ayaa sheegaya inay ku guuleysteen taageerada Axmed Madoobe oo xildhibaanada uu gacanta ku hayo horeba looga dareemay inay taageerayaan dib u doorashada Xasan Sheekh, waxayna dib ugu soo laabteen galabta magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa welwel ku rideysa musharixiinta kale oo dadaal badan ku bixiyay inay qanciyaan Axmed Madoobe oo muddooyinkii danbe ka fogaaday loolanka siyaasadeed ee Muqdisho ka socda.

Isha: Goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News