Xog: Halkee ayuu ku socday gaarigii maanta ku qarxay Ex-Koontarool AFGOOYE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya wararka ka soo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, islamarkaana ay la socdeen rag hubeysan

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa xafiis ku yaalla isgoyskaasi oo gaadiidka looga qaado Canshuurta, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka labada kale ay yihiin shacab.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay lix qof oo kale oo isugu jira dad rayid ah iyo askar sugneyd Koontaroolkaasi.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay toogteen la labo nin oo uu mid ka mida ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaadna uu baxsaday.

Gaariga ayaa waxaa la sheegay in ay ka shakeeyeen ciidamada Boolisku, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo.

Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaasi ay ka hortageen ciidamad dowladda.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com