Agaasime xilkii laga qaaday oo ka hor yimid iyo khilaaf ka taagan mid ka mid ah wasaaradaha DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimahada guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta ka soo horjeestay go’aan xil ka qaadis iyo shaqo joojin ka soo baxday wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan.

Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan waxba ka jirin shaqo joojintii lagu sameeyay, islamarkaana uusan awood u laheyn wasiirka ganacsiga Soomaaliya in uu shaqo joojin iyo xil ka qaadis ku sameeyo agaasime guud oo ku yimid magacaabis madaxweyne.

Waxa uu wasiirka ku eedeeyay ku takri-fal awoodeed iyo kala qaybinta shaqada iyo shaqaalaha, isagoo dalbaday in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka soo farageliyaan dhibaatooyinka ka jira wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warqaddii lagu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya sanadkii 2012-kii, taas oo aheyd magacabis madaxweyne iyo warqadda uu uga soo horjeestay xil ka qaadis iyo shaqa joojintii lagu sameeyay ee uu soo gaarsiiyey Caasimada Online.