Xog-hayihii IGAD ee Abiy Axmed uu magacaabay oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Addis Ababa-(Caasimada Online)-Xog-hayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo uu jiray muran badan oo magacaabistiisu ay ka dhex dhalisay wadamada ku bahoobay Ururka, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Dr. Workneh Gebeyhu ayaa xilkaas kala wareegay danjire Maxbuub Mucalim, waxaana Workneh Xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD loo magacaabay 22-kii bishii October ee sabadkan.

Xoghayaha cusub oo ah Itoobiyaan ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha IGAD Dr. Abiy Axmed, isagoo aan kala tashan madaxda kale ee dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyagu xarab in xilkani uu meerto noqdo ayaa si weyn uga soo hor jeestay magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxaa jiray khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen.

Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heystay cidda qabaneysa xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo Xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si gaar ah u dooneysay in ay hesho xilka xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD, halka dowladda Jabuuti ay dooneyso in ay hesho xilka Guddoomiyaha Ururka oo haatan uu hayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa loo badinayaa in la siiyo Kenya, waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo horay iskugu dayay in laga wada xaajoodo magacaabista Xoghayaha cusub ee uu sameeyay Abiy Axmed.

Caasimada Online

Xaafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com