Koox hubeysan oo caawa dad badan ku dishay degmada Kaxda

Muqdisho-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday goob Biibito ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad dhalinyaro u badnaa.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii koox u abaabulan qaab Qabiil ay soo weerartay goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ehelada dadka caawa la dilay ayaa Caasimada Online u sheegay inay tuhunsanyihiin in dadkaan looga aar gudayay wadaad caan ka ahaa degmada Kaxda oo xalay lagu dilay degmadaas, sidoo kalana lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay.

Wadaadka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray isga iyo labo wiil oo uu dhalay rasaas ay xalay ku furtay dabley hubaysan, waxuuna ka mid ahaa guddiga dhismaha waddo hal-bowle u ah degmadaas oo la dhisayo.

Degmada Kaxda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dagaal beeleed u dhaxeeya beesha degta inteeda badan degmadaas oo u isku dilaysa labo laf oo ay u kala qeybsantahay.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com