Xog: IGAD oo madaxa isku galisay madaxweyne Xasan iyo Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka IGAD u fadhiya Somalia iyo Xubnaha ku garbiya Siyaasada ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa dacwad ka dhan ah Wasiir Odawaa u gudbiyay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Dacwadaani ayaa waxaa si wada jir ah u gudbiyay Wakiilka iyo Xubno kale oo ka tirsan xafiiska IGAD ee Somalia, kuwaasi oo Xassan Sheekh ku wargaliyay in Odawaa uu ka cagajiidaayo inuu wareejiyo dukumiintiyada khuseeya shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

IGAD waxa ay Xassan Sheekh u xaqiijisay in Odawaa uu carqalad galshay la kulankooda isaga oo marba marka xigta u dhigaaya kulamo aan mudadooda la cayimin.

Maxamed Cabdi Afey oo ah dacwad hogaamiyaha ayaa Xassan ka dalbaday in wax laga bedelo dib u dhacyada lagu sameynaayo hirgalinta dhismaha maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna ku baaqay inaan la lumin wakhti intaa kasii badan.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa isna dhankiisa ka balanqaaday in dukumiintiyada ku saleysan shirka loo gacangalin doono, waxa uuna raali galin ka bixiyay qorshaha Wasiir Odawaa uu ku doonaayo in shirka uu ku fashiliyo maadaama laga gacan maroojiyay.

Xassan ayaa Odawaa mas’uuliyada shirkaasi ka wareejiyay kadib markii lagu eedeeyay in dhinac uu ka yahay shirka.

Dhanka kale, Shirka maamulka loogu dhisaayo maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa waxaa si toos ah u hogaamin doonta dowlada ethiopia ka sokow IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com