Maxaadan ogeyn oo caawa ka dhacay magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa waxa ay caawa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Nasteexa ku toogteen Sargaal ka tirsanaa ciidamada dowlada Somalia.

Sarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaa Milliteriga dowlada waxaana Magaciisa lagu soo koobay Xasan Barre iyadoona kooxaha geystay dilkiisa ay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa ahaa nin si weyn looga garanayay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir, sida ay sheegen dadka deegaanka.

Maamulka degmada ayaan wali ka hadal dilka Sarkaalkaasi waxaana lasoo warinayaa in dhowr xabadood looga dhuftay madaxa.

Dilkaani ayaa daba socda dilal dhowr ah oo maalmihii ugu danbeeyay si isdaba joog ah uga dhacaayay degmada Wadajir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com