28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

XOG: ILKA-XANAF oo qarka u saaran in uu dhowaan is-casilo kadib markii uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf uu wado qorsho uu ku doonaayo inuu xilka Isaga Casilo.

Arrintaani ayaa waxaa xaqiijiyay Xubno ka Tirsan Golaha Garsoorka oo sheegay in Ilka Xanaf uu gudbiyay warqado uu ku doonaayo in laga aqbalo go’aanka Is Casilaadiisa.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ay sabab u tahay Iscasilaadda Guddoomiyaha, Xeer Ilaalinta Qaranka oo Shaqadiisa qeyb kamid ah faraha lagalay, Shaqadana ka Eryay Garsoorayaal aqoon buuxda u lahaa Howlaha Maxkamadda sare kuwaasi oo aan la tashi lagala sameyn Ilka Xanaf .

Dhanka kale, Xubnaha ayaa Tilmaamaya in Ilka Xanaf uu aad uga careysan yahay Faragalinta lagu hayo Xafiiskiisa, isagoona dhowr jeer arrintaasi u gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Hayeeshee uusan wax kaqaban arrintaasi.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhawaan shaqada ka Eryay Garsoorayaal badan kuwaasi oo aan lagala tashan Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News