28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xildhibaanno BFS ah oo is hor-taagay dhismaha maamulka saddexda GOBOL

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili uu heer gabagabo maraayo shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed, ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia ee kasoo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool.

Kulan goor dhow Magaalada Muqdisho ku dhex maray Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa ay kulankooda uga soo horjeesteen Dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, iyagoona tilmaamay in dhismaha maamulkaasi uu yahay mid baadil ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada Kulanka yeeshay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Mursal,waxaana ay sheegeen in Maamulka loo dhisayo Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose uu yahay mid Sharciga ka soo horjeeda oo aan ku saleysneyn Rabitaanka Dadka Goboladaasi daga.

Sidoo kale, Xildhibaanada kulmay ayaa waxa ay DF Somalia ku Dhaliileen in ay Faragalin Qaawan ku hayso Dhismaha Maamulka Goboladaasi oo ay dooneyso inay dadka dhibaato ay ka dhex abuurto.

Dhanka kale, Kulanka Xildhibaanadaani kasoo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii shalay shir ka dhacay Magaalada Baydhao lagu doortay in Caasimada Maamulka ay noqon doonto Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News