27.4 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan & R/W Cabdi C/Weli oo kulmay (Maxay ka hadleen?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Warar hoose oo ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay yeesheen maanta madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka, oo waxii ka dambeeyay 25 bishii hore uu khilaaf soo kala dhex galay.

Kulanka gaarka ah ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid albaabada u xeran, waxaana labada masuul oo muddo iskhilaafsanaa ay maanta ku kulmeen xarunta madaxtooyada.

Wararka aan helayso ayaa dhanka kale sheegaya in xarunta madaxtooyada ay ku sugan yihiin wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka maanta ayaa ah sidii labada masuul ay xal buuxa uga gaari lahaayeen khilaafka dhexdooda ka taagan oo saameeyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa labadan masuul ay kulamo gaargaar ah ay la qaateen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Xogta aan helayno ayaa sidoo kale sheegaysa in maalinta beri ah la qorsheynayo in shir jaraa’id lagu qabto xarunta xalane ee magaalada Muqdisho oo madaxda beesha caalamka ay kaga hadlayaan khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

La soco waxii kusoo kordhaa kulanka

Caasimada Online
Xafiiska Wararka
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News