Muqdisho (Caasimada Online) – Laba maalmood ka hor, ayaa 140 xildhibaan waxa ay guddoomiyaha baarlamanka u gudbiyeen mooshin ay ku caddeynayaan inay doonayaan in kalsoonida ay kala noqdaan ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Caasimada Online, ayaa heshay warqadda rasmiga ahayd ee loo gudbiyey guddoonka baarlamanka, waxaana ku qoran illaa 10 sabab oo ay xildhibaanada u adeegsadeen dalabkooda ah in codka kalsoonida loo qaado Cabdi Weli.
Inkasta oo mooshinka dib loo dhigay iminka, ayada oo uu xal raadinayo Jawaari, ayaa haddana waxaan idinla wadaageynaa warqaddaas si aad u aragtaan 10-ka sabab ee ay soo bandhigeen xildhibaanada.



