Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dalka Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf”, ayaa xaqiijiyay in Ilka-xanaf uu ku howlan yahay in Safar uu ku gaaro magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Ilka Xanaf ayaa lasoo warinayaa in xiriiro dhowr ah uu iminka la sameeyay maamulka Axmed Siilaanyo, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye.
Ilka Xanaf oo xiligaani ka gadoodsan DFS ayaa laga cabsi qabaa inuu ka soo jeesto dhanka kale, bacdamaa qaab xun ay DFS kula dhaqan tahay.
Xiriirada uu wado Ilka xanaf ayaa suuragalin kara in dib uu ula midoobo maamulka Somaliland oo ay ku kala fogaaden Midnimada Somalia.
Ilka Xanaf ayaa wada qorsho uu wakhti hore kula midoobaayo maamulka, isaga oo ku taamaaya inuu kamid noqdo shaqsiyaadka u hanqal taagaya Siyaasada cusub ee Maamulka.
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaad 4 jeer inta uu xilka hayay Ilka Xanaf usoo diray dalab ku aadan inuu kusoo biiro Maamulka, hayeeshee Ilka Xanaf oo xiligaasi hayay xilka Maxkamada ayaa ku gacanseeray dalabkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

