Doorasho ma dhici kartaa 2016 kaddib tallaabooyinkii Xasan?!!

Sida laga warqabo waxaa bishii Abriil 12, 2016, Madaxwayna Soomaaliya, uu soo saaray dikreeto (decree) loogu magac daray ‘Presidential executive order’ oo sharciyan ah ’Null and Void’ laguna maaraynayo habka doorashooyinka. sida uu qabo dastuurka qabyo-qoraalka ahi, Dikareetadaan waxay si dadban ula wareegtay, una laashay awoodii Golaha Shacabka oo ka mid ah awoodaha uu qaranku ku dhisan yahay.

Dikreetada Madaxwaynuhu waxay kala dirtay Guddiyadii uu barlamaanku si sharciyan ah u ansixiyay, lagana dhigay waxba kama jiraan. Guddiyadaas waxay ahaayeen kuwo waqti dheer soo qaatay lehna tababar iyo khibrado badan oo ku saabsan howsha doorashada, kadibna si sharci darro ah loo kala diray, si waqtiga loo lumiyo, waxna loo maldaho.

Hay’adda Sharci dejinta waxay ka mid tahay saddexa hay’adood ee qaranku ku dhisan yahay, waa hay’adda asaasiga ah, ee ay wax walbaa ka bilowdaan. Waa hay’adda laga soo saaro, ama laga ansaxiyo wax kasta oo shuruuc ah ama’bills’ lagu hago qaranka, ha noqoto mid fulineed ama mid maxkamadeed intaba, la’aanteedana aysan dhaceen in wax la yiraah dowlad (Government) ama qaran (state) aysan jireen..

Dowladaha ku dhaqma hababka demoqoraatiga ah, waxaa laga isticmaalaa habab badan (Multiple forms of Government). Hababkaas waxaa ka mid ah, midka aan qoranay oo aan ku qeexnay dastuurkeenna qabyto-qoraalka ah, ‘Parliamentary system’ oo kala qeexaya awoodaha sharici-dejinta (legislative power), Fulinta (Executive power), iyo maxkamadaha (Judiciary).

Saddexdaas hay’adood ee dowladdu ku dhisan tahay, waa kuwo awoodoodu is-dheeli tiraya midba midka kalena ilaalinaayo, oo loo yaqaan ‘balance of power’.. Dastuurka aan qoranay ma dhicin in la ixtiraamo ama lagu dhaqmo, waayo dadka horboodaya Dowlaadda Federaalka ahi, waxaa kala wayn dastuurka dalka u degsan midda ay u arkaan dantooda khaaska ah, oo ay ku fushanayaan sidii ay mar labaad u soo noqon lahaayeen. Waa ayaan darro inteeda la eg.

Waxaa xusid mudan, oo inta badan aan soo xasuustaa xikmadihii uu qoray Niccolo Machiavelli oo aheed in ’dowladuhu soo maraan wareegyo badan (cycles) oo ay xukumaan dad taajiriin ah, hantigoosad iyo dad danaystayaal ah oo awoodo kala duwan leh, oo lagu magacaabo Oligachy ‘a form of government run by a small number of people such as wealthy landowners, Opportunists,or powerful military figures, iyo Revolutionaries – dad kacdoon dadwayne raba iyo demoqoraadiyad,( a radical supporter of political or social revolution), iyo mid fowdo ah ‘Anarchy’ mid la inkiraayo/la duudsiinaayo, ama aan la ixtiraamaynin awoodaha jira, waxaa lagu tilmaamaa Fowdo, Anarchy – (absence or denial of any authority or established order), waa midda hadda haysata ummadda Soomaaliyeed, oo aan laheen hab loo raaco iyo meel loogu hagaago, ahna wax fowdo ah(anarchy).

Waxaa la wada ogyahay, ummadda Soomaaliyeedna marqaati ka tahay, sidii si dadban loola wareegay awoodihii Baarlamaanka iyo sidii guddiyadii doorashada ee baarlamaanku ansixiyay loo laalay, sidii loo xaqiray maqaamkii iyo xaqii gobolka benaadir ee aqalka sare oo maaweelo laga dhigtay, laguna gorgortamay maamulo kale, si muddo kororsi ama soo noqosho loo helo, iyo in jeebka la gashado xuquuq gobol dhan oo ah xaruntii ama halbowlihii qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa wax loo dhisaayo ama doorasho loo qabanayo waa dadka Soomaaliyeed. Haddii dad ka badan (saddex) 3 million oo qof la yiri xaq ma lihidin,oo waxaa tihiin mawaadiniin labaad (second class citizens), aan is-waydino yaa loo qaban doorasho!. Waxaa meesha ka socda wee maaweelo, iyo jahawareer sida aan kor ku xusay oo ah ‘anarchy’.

Shirkii Madasha wada tashiga, ama hoggaminta ee hadda loo bixiyay, wuxuu ku dhamaaday Mugdi iyo iyada oo aan la iclaamin dhamaadkiisa iyo in hoos loo sheego in shirki la soo geba-gabeeyay, war-murtiyeedna uu ka soo baxay, iyada oo weliba war murtiyeedka lagu xusay magac cusub oo aan horay loogu aqoon madasha balse, haddeer la baxay Madasha Hogaanka Qaran , magacan wuxuu meel ka dhac ku yahay haybada iyo maqaamka Madaxweynaha Dalka ,waayo magaca cusub wuxuu tilmaamayaa in dalka ay hogaamiyaan ,hogaamiyayaal siman.(National Leaddership Forum’ oo lagu tilmaami karo sidii Golihii Sare ee Kacaanka 1969..

Waxaa Cajiib ah, in aan war murtiyeedka lagu soo xusin Aqal Sare iyo midka hoose ,iyo xuquuqda dadka dega gobalka Banaadir ay ku leeyihiin Aqalka sare ee dalka.

Waxaa kale oo cajiib ah, in war murtiyeedkan ay si aad ah, aay uga muuqato in aan xal loo helin khilaafkii hareereeyay madasha wada tashiga ee ku aadanaa xubnaha ay gobalka banaadir uu ku yeelanayso Aqalka sare.

Haddaba, waxay su’aal muhim ka jirtaa ,sidee kooxdan loogu yeero Madasha hogaanka qaran iyo Beesha Caalamka ugu suurta-galayso in ay doorashadii waqtigeedi loogu tala-galay ku qabtaan, weliba iyada oo aynan jirin wax ay ku heshiiyeen oo cad, marka laga reebo in suuqa wararka lagu soo daadiyay war lagu sheegay war- murtiyeed oo lagala xishooday in ummadda lala hor-yimaado.

Dad aynan jirin wax ay heshiis ku yihiin, khilaafkoodana yahay mid muuqda ,sidee dowr uga qaadanayaan in si hufan oo isla-xisaabtan leh (accountability) iyo daah-furnaan (Transparency) leh, u soo xuli karaan xildhibaanada aqalka hoose/sare ee barlamaanka ee la soo dooran doono bisha Agoosto 2016.

Ugu danbayn, waxaa madaxda dowladda ku waani lahaa in la dhagaysto dareenka dadka waayo, dadka ayaa iska leh awoodda dalka (people’s power), ayaa xakamaynaysa wax walba, waxaa qoraa hore yiri Mr. Blanchard. ‘The most successful leadership today is influence, not authority), muquuninta aad dalka iyo dadka ku haysaan ma shaqaynayso, waxa shaqeeya waa dhiiri-gelinta (influence), iyo dowritaanka xuquuqda dadka, iyo dareenka shacabka loo adeegayo.

Wa billaahi Towfiiq,

W/Q: Dr. Khalif M. Duale