Xog: Imaaraadka oo kunteenar hub ah dhex fasaxay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegaya in Imaaraadka uu gudaha magaalada Muqdisho ku dhex fasaxay Kunteenar Hub ah.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Kunteenarkasi Seddex cisho ka hor laga dhex saaray Xerada Xerada Jenaraal Gorda oo Saldhig u aheyd Saraakiisha ciidamada Imaaraadka ee iminka ka baxay dalka.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Imaaraadka ee iminka ku biiray ciidamada ka amar qaata Wasaarada Gaashandhiga Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inuu jiro Hub kale oo aad u xoogan kuwaa oo asbuucyadii ugu danbeysay loo iibgeynaayay goobaha sida sharci darada ah loogu kala iibsado Hubka.

Waxa uu intaa raaciyay in Hubka Imaaraadka ee galay magaalada ay u badnaayen qoryaha fudud iyo rasaas noocyo kala duwan leh.

Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa qoryaha loo yaqaan ‘’Cali Shucaaca’’ oo ay magaalada soo galiyeen Imaaraadka kuwaa oo qeyb ka ah Hubka ay Saraakiisha Imaaraadka ku fasaxeen gudaha magaalada.

Imaaraadka oo inta badan agabkiisa ciidan ciidan kala baxay magaalada Muqdisho, ayaa ku dhiiranaaya in qalqal amni uu ka dhex abuuro magaalada si xasilooni darro ay uga dhex curato dalka.

Dowlada Somalia oo ka feejigan amni darro lagu geysto Hubka ay Imaaraadka galiyeen magaalada ayaa iminka wada qorsho looga hortagaayo Hubkaas.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad looga hadal hayaa ficilada ay ku kacayaan ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee horay ay u tababareen Imaaraadka iminka qaarkood lagu wareejiyay dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com